DAAWO VIDEO: Fu,aad Aadan Cade oo cadeeyey in uu ka goostay Somalilnd

0

Fa,aad Aadan Cadde oo haaa lataliyahay madaxweynaha Somaliland ee Gobolda Bari ayaa si cad u sheegay in uu ka goostay Somaliland. Mar Fu,aad la waydiiyey in uu ka dabatagayo siyaasiga caanka ah Axmed Cabdi xaabsade ayuu ku gaabsaday in ay runa noqon karto ama qalad noqon karto, wuxuuna intaa sii raaciyey ”wali Xudun baan joogaa adeer”

 

Fu,aad wuxuu noqonayaa masuulkii labaad oo jago sare ka haya Somaliland oo mudo todobaad gudihiis ah ka goosta Somaliland.

 

Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Sanaag ayaa beryahan u soo jeestay inay ku biiraan dowlada Puntland,. Waxaa todobaad ka hor ka soo goostay Somaliland  Dolaal Cabdi Xaabsade oo wata ciidan iyo Hub badan. Waxaa ku xigay syaasiga caanka ah Axmed Cabdi Xaabsade oo isaguna todobaadkan ku soo noqday Puntland

Puntlandes.com
Hoos Ka Daawo

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *