Dhegeyso: Khudbadii Madaxweyne Gaas ka jeediyey Dhagax dhigii Garoonka Diyaaradaha Garowe

26 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta khudbad ka jeediyey furitaanka dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa sheegay in dhismaha garoonkaan ay ka mid tahay balanqaadyadii uu sameeyey ee lagu guulaystay.

180c2

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in uu horay u balan qaaday in 3 sano ee ugu horaysa Puntland ay yeelanayso 3 garoon oo caalami ah labo kamid ahna lagu guulaystay oo ah Boosaaso iyo Garoowe waxaana uu intaa ku daray in garoonka 3 dexaad ay dhagax-dhiga doonaan laguna dhisi doono isku tashiga shacabka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhawaan xariga laga jari doono garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso waxaana uu sheegay in muhiimada ugu weyn ee xukuumadiisa ay tahay kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhegeyso khudbadii Madaxweynaha

 


Puntlandes.com

 

About The Author