Askari ka mid ahaa Dhaawacii Gaalkacyo ee Xamar la geeyey oo Geeriyooday

26 Dec 2015 (Puntlandes) War ay ka heshay Warbaahinta Puntlandes magaalada xamar ee xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Askari ka mid ahaa Dhaawacii Gaalkacyo ee Xamar la geeyey uu u Geeriyooday dhawicii kasoo garaay dagaalkii Gaalkayo.

175

Dhaawacii Gaalkacyo ee Xamar la geeyey ayaa waxaa la dhigay Cisbitaalka Turkiga ee Ex Digfeer, halkaasoo loo geeyey in lagu dabiibo laakiin ay la soo deristay baahi Caafimaad kadib markii ay ka waayeen Cisbitaalkaas baahidii Caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Askariga Cisbitaalka Turkiga ee Ex Digfeer ku geeriyooday ayaa waxaaa lagu magacaabi jiray Bashiir Aadan Cilmi Geelle waxayna xabadu kaga dhacday Caloosha, labada Sambabna way sii martay, Qaarka dambana wuxuu ahaa Barelaato, Xidido badana way jartay: Xaalada ninkan ayaa ahayd mid aad iyo aad u liidata.

Halkan ka akhriso Qoraal ama warbixin dheer oo ay horay uga Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author