Dhagayso: Baarlamaanka Puntland oo beesha caalamka ku wargaliyay in la gaaray markii Puntland ka tashan lahayd Xamar

0

586Garowe(Pes) Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nichalos Kay ayaa 17-08-2014 waxa uu xarunta Gollaha shacabka kula kulmay Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Siciid Xasan Shire iyo qaar ka mid ah xildhibanada.

Baarlamaanka Puntland ayaa u cadeeyey mr Kay in dulqaadkii ka dhamaaday lana joogo waqtigii Puntland ka go.i lahayd Xamar oo ay Puntland dulqaad sugitaan ugu jirtay muddo 25 sano ah. Baarlamaanka Puntland ayaa ku nuux nuuxsaday in wax soo socda dowladnimo aysan Xamar oolin lagana sugin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa Mr  Key u dhiibay warqad qoraal ah oo ay ku qoron tahay aragtida Baarlamaanka ee sida wax u socdaan.

Ku Dhagayso MP3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *