Xog: Madaxweyne Gaas oo wali u Hanqaltaagaya Kursi aan jirin ”Villa Xamar 2016” (Kani waa la mood noqonse waa)

0

16

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa indho tiray damaca uu ka qabo in uu isu soo sharaxo 2016 kursiga Taangiga AMISOM lagu waardiyeeyo ee ”Villa Xamar”. Dr Gaas ayaa wuxuu goostay in Gobalka Mudug ku iibsado in uu isa soo sharaxo sanadku markuu yahay 2016 doorashada ka dhacaysa ”Villa Xamar”

 

War lagu kalsoon yahay oo u dhuundaloola madaxtooyada Puntland ayaa u cadeeyey Puntlandes in uu madaxweyne Gaas uu usoo bandhigay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nichalos Kay markii uu booqashadu ku yimid Caasimada Puntland ee Garowe 17-18 agoosto  2014, in uu sameeyo Road map si looga wado shaqeeyo sidii ay doorasho uga dhici lahayd  2016 Xamar. Ilahan la hadlay Puntlandes waxay u xaqiijiyeen in uu Dr Gaas rajo fiican ka leeyahay in uu ku soo baxo madaxtinimda ”Villa Xamar ” ee sanadku markuu yahay 2016, waa siday isaga la tahaye.

 

Waxay ku soo aadaysaa soo ifbixitaanka damaca indhotiray ee haya Gaas iyoo ay ilaa iyo shalay, 18-19 agoosto 2014, ay ka socoto madaxtooyada Puntland shir la fahmi waayey oo u dhexeeya Gaas, kuxigeenkiisa, Xildhibaanadii iyo Xubid gudiga dib u eegida dastuurka ee Xasan Culusoow dowladiisa. Xildhimaanada iyo Caasho Geele waxay difaacanayaan kuraastooda, halka uu Gaas na waxa kaliya ee u muuqdaa uu yahay kursiga ”Villa Xamar”.  Dr Gaas waxaa qasbaya in uu dadka tuso in uu ka soo horjeedu Boobka Xasan Culusoow iyo kooxdiisu rabaan in ay Gobolka Mudug ku biliqaystaan waa cadaadis shacabweynaha Puntland ka haysta ee maaha wax isaga ka yimid.

Gaas iyo kooxdan Xamar  ka soo hayaantay waxay garan la,yihiin waxay u sheegaan shacabweynaha reer Puntland ileen iyagu waa ogyihiin waxa ay rabaane, wayna ogyihiin meesha ay  shacabweynaha Puntland ka taagan yihiin Xasan Culusoow iyo kooxdiisa uu gool dhaliyaha u yahay Cabdi Qaybdiid.

 

Waxaa lagu heshiiyey in marka hore  marinhabaabin lagu sameeyo dadka reer Puntland ka dibna la yiraahdo ”waa kaas oo Road map baan samaynay oo Culusoow awood ma leh…….. indhahan ka soo saarnay” Soomalidaa waxay tiraahdaa  ”ninbaa  wuxuu nin kale ku yiri war waxaas day markaa suu kii kale yiri maad waxa ka sokeeya daydid adigu” hada war wuxuu ku koobnaanayaa Gaas intuu dayayo ”Villa Xamar 2016” oo waxay tahay aysan jirin muu dayo Puntland? muu dayo Gobolka Mudug oo ah Gobolkuu ka soo jeeday ayna Xasan Culusoow iyo Cabdi Qaybdiid boobayaan? Yaa qiimo badan Gobolka Mudug iyo Kursiga ”Villa Xamar”?  Dr Gaas wuxuu ku biyo shubtay ”la mood noqonse waa”  Faahfaahin Gobakla Mudug  halkan riix

 

Arinta yididiilada gelinaysa shacabweynaha Puntland waa Baarlamaanka Puntland  oo u istaagay difaaca qadiyada iyo danaha Puntland. Waxayna hubaan i uu dulqaadkii ka dhamaaday Baarlamaanka.

   

 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *