Shaqaalaha dowlada Puntland oo shaqayn doona 8 saacadood halka markii hore ay shaqayn jireen 6 saac ama kaba yar

0

Gaalkacyo (Pes): Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa qoraal uu soo saaray ku amray dhamaan wasaaradaha dowlada Puntland in mudo 8-saac ah u adeegaan muwaadiniinta Puntland.
Madaxweyne Dr Gaas ayaa qoraalkaasi ku sheegay in shacabka Puntland ay u baahanyihiin in loo qabto adeegyada Bulshada ee daruuriga ah, si taa loogaaran ay khasab tahay in wasaaradahu bixiyaan adeegayada dadweynaha mudo 8-sac adood ah, maadaama ay dowlada horyaalaan howlo adag.
Go’amaadkan cusub ee ka soo baxay dowlada ayaa noqonaya mid saamayn ku yeesha dhamaan shaqaalaha dowlada oo lagu dhaliili jiray in ay wax aad u yar shaqeeyaan ama sooba shaqo tagin. Wuxuu abuurayaa kaljar shaqo oo cusub una baahan in dadka lagu baraarujiyo.

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *