Cabdishakuur Mire Aadan: DABAYSHA SIYAASADU DHANKEE U DHACAYSAA?

0

Maalmihii dhoweyd waxaa aad u kacsanayd siyaasada Puntland iyo Federaalka u dhexeysay. Sow hadalo ayaa hawada la isu mariyey. Waa kululaayeen hadaladaasu, haday gantaalo ahaan lahaayeen wax badan ayey galaafan lahaayeen. Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Cabdiweli Gaas mar walba wuxuu oran jiray in Idaacadaha laga yoo yootamaa ma fiicna.Dantaase baday inuu si kulul ula hadloFederaalka markii heer kulka reer Puntland oo sare u kacay.

Waa tii Xildhibaamada ku abtirsada ee Federaalka loo yeeray . Waa markii ugu horeysay ee yeeris noocaas ah la sameeyo xataa waqtigii dawladii Carta ee Cbadiqasim Madaxweynaha ka ahaa. Madaxweyne Faroole Xiriirka waa u jiray Federaalka marabase uma yeerin Xildhibaanada… Ma la is oran karaa in Somalia loo horseedayey kala tageedii.

Afar qodob oo culus ayaa la soo saaray. maalmo ka dib waxaa la daba dhigay in diyaar loo yahay wada hadal. Madaxweyne Gaas wuxuu u dhoofay Adis-Ababa. Waxaana maanta isaguna ka dhoofay Nairobi Ra’isul wasaaraha Dawlada Federaalka oo ku sii jiida Adis-Abab. waa shaki la’aan in madax Somali ah oo dal shisheeye ku kulantay is arkayaan, wada hadlayaan. Maxaa halkaas kaaga soo bixi kara.Xamaasadii Siyaasadeed ee beryahan kar keedu na hayey sow intaas kuma soo af jarmi karto,Sow gacma geel jire hoos ayaa loo dhaqaaye lama heshiin karo, sow wax walbaa suura gal ma ahan.

Siyaasada Soomaaliya ayaa marna Galbeed aada marna Bari, Siyaasiyiintu waa saaxiib hoos ka xiriira, isuma ahan cadow , waxay mararka qaarkood jilaan filim layiraahdo ha lagaa sheego.

Ogow Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Xasan Gurguurte waa isku wacaa khadka teleefanka, sidoo kale Raisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas waa saaxiibo aan la dhex marin. Waa kuwee kuwa aan heshiiska ahayn?

Saacadaha soo socda kolkay ku kulmaa Adis Abab Madaxweyne Gaas iyo Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh. Iyadoo in badan oo aad ula socotay danaynaysan aan wax badan laga waydiin doonin. Siyaasadu geed la harsado oo joogtaa ah ma lahan, way laba boglaysaa, marba waa meel Adisaba ma noqon doontaa meeshii lagu soo afjari lahaa khilaafka.?

Far ayaa ii taagan maxaa laga oranayaa maamul u samyntii gobolada dhexe , waan arkaynay siduu u laba bogleeyey Nicholas Key.qoraalkii ahaa beesha caalamku goob joog ha ka haato qodobkaas ma la laalayaa?

HA KA DHICIN SALAAMADA QAAR LAGU SIGTAA JIRA.

Siyaasada laba gar daaqa ah waxay sababi kartaa waxyaabo badan. reer Puntland kama gor-gortami doonaan Mudug amaba Gaalkacayo. Taariikh cusub ayey yeelatay Gaalkacayo wixii ka dambeeyey 1991.Ma ahan meel qof iyo qabiil keliyi go’aan ka gaari karaan, Waayo markii la xoraynayey waxaa lagu xoreeyey dhiigii iyo dhaqaalihii dadka reer Puntland.Dad aan taariikhda la socon ayaa si kale beryahan wax u dhiga,Kuwaas waxaan leeyahay sidaas arrimuhu ma ahan. Fanaanad caabiraysay jacaylka laabteeda ka guuxaya ayaa tiri.

DABAYLUHU WAY SITAAN
DUUFANADU IMA DHIGAAN
BADWEYN BAY
DOONIDU IILA SII DURKAYSAA.

Isku soo wada duubo aan wada eegno dhankay dabaysha siyaasada Puntland u dhacdo?

 

Cabdishakuur Mirre Aadan ayaa bogiisa Facebook warbixintaan soo dhigay.

Xigasho; Punlandpost.com

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *