Dr Gaas oo u dusay DFS ta Xasan Culusoow iyagoo hada Shir uga socda Addis ababa Puntland iyo Kooxda Xasan Culusoow

0

Ilo ka aqdhow madaxweyne Gaas ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Puntlandes ayaa u xaqiijiyey in caawa uu shir ah uga socdo Hotel Sharaton ee magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Puntland , Ra,iisal wasaaraha Xasan Culusoow, shirkaas waxaa garwadeen ka ah Dowlada Itoobiya.

C.wali Sheekh ayaa caawa dib ugu soo laabtey magaalada Addis Ababa markii uu uga gudbay saddexx maalin ka hor magaalada  Nairobi dalka Kenya Dr Gaas na shalay ayuu gaaray Addis Ababa.

Laba waxyaalood ayaa qorshuhu yahay in ay ka soo baxaan shirka Adis Ababa:

1-Wax loogu yeeray Raod map 2016

2-In lagu qanciyo madaxweynaha Puntland Gaas in uu raali ka noqdo  Gobolka Mudug  boobkii ay damceen in ay boobaan Culusoow iyo tolki.

Waxaa Adis Ababa isna gaaray Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Mudug waa ka wayn tahay wax laba shaqsi ka wado hadasho, mana aha wax soconaya riyada at wadaan Oday Xaad, Axmed Diiriye, Qaybdiid iyo Culusoow.

wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *