Madaxweyne Xasan Culusoow oo dhul badeed Somalia leedahay siinaya Kenya

0

culusow1

Waxay faafisay wakaaladda wararka ee AP kii August 2014, Soomaaliya waxay weydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Hague in la calaamadeeyo xuduudda badda ee ay Soomaaliya la wadaagto waddanka Kenya.

Codsiga ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah waxay ku sheegtay ” in labada waddan ay isku afgaran-waayeen halka ay mareyso xuduudda badda ee u dhaxeysa, ayadoo labada waddanba ay sheeganayaan dhul-badeed isku mid ah”.

Arintan waxay saamayn lixaad leh ku yeelandoontaa xad badeedka Somali haddii aan loo istaagin difaacidiisa. Waxayna abuurtay dareen diidmo ah oo ay ka muujiyeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed  iyagoo aad uga digay halista ka imaan karta arinkan guracan ee ku dhaqaaqay Xasan Culusoow  aan shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaankoodu go’aan degdeg ah oo diidmo ah kala hor imaannin.

Madaxweynaha DFS meelo badan wuxuu ka sheegay inuusan u war haynin wax muran dhul-badeed ah oo Soomaaliya kala dhaxeeya waddamo kale. Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu munaasabado badan ka sheegay in aysan Soomaaliya cidna dacwo u qabin, ciddii dacwo qabtaana ay dacwooto!

Waxaa haddaba isweydiin leh, maxay tahay sababta ku keliftay in uu Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Hague uu isagu Xasan Culusoow ka codsado in ay calaamadayso ama go,aan ka gaarto lahaanshaha dhuleed ee Somalia.Waxaana la cadeeyey in uu madaxweyne Xasan kula heshiis yahay in ay boobto dhul badeedka Somalia. Laakiin waxay istaatiijidiisu tahay ”Qowda maqashii waxna ha u qaban” marinhaabin uun kaliya in uu ku hayo soomaalida.

Madaxweyne ayaa wuxuu yiri in qoraalkii ku saabsanaa xadeynta badda Soomaaliya ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo ajnabi leh, laguna diyaariyay hanti Soomaaliyeed iyo canshuurtii dalka. Halka dowladda Norway ay qoralkaasna ku caddeysay in 100% kharashaadka ku baxay howshaas ay bixisay dowladda Norway, ayna qoraalka diyaariyeen khubaro ka socotay, wasaaradaheeda: Arrimaha Dibadda, tan Batroolka iyo hay’adda u qaabilsan naqshadeynta.

Hoos ka eeg qoraalada Norwey

58

59

Kenya waxay muddo ku taamaysey – oo dadaal xusul duub ah u gashay – in ay marka hore muran geliso dhul-badeedka Soomaaliya, markaasna hesho madax Soomaaliyeed oo la ogol in dhul-badeed-ka Soomaaliya muran ku jiro, kaddibna ay markaas maxkamad isla tagaan.

Sida laga war hayo dawladda Kenya waxay arrintan u tabaabul shanaysey muddo dheer ayadoo hanti iyo aqoon farbadan gelisey sidii ay qiil ugu heli lahayd kuna xalaalaysan lahayd dhul-badeedkaas ay muranka gelisey oo batroolku ceegaago. Halka DFS la garab taagan tahay caawimaad iyo hawlfududayn.

Sawirka hoose ka eeg baaxada uu leyahay dhulbadeedka ay Kenya rabto in ay dhacdo.

57

Suaasha wax garad iyo aqoonyahano badan ka hex guuxaya ayaa ah madaxweyne Xasan ma ogyahay dhulkuu masuulka ka ahaa in uu u dhacayo dad iyo dowlad kale oo raba in ay kooda ku darsadaan qayb ka mid ah dhulkii Somalia mise wuxuu maanka ku hayaa oo kaliya muhu Caliyaalo maaha ee waa Jubada Hoose ”areey xaa iga galay”

Waxaa fiicnaan lahayd in hurdada looga tooso arinka boobka cad ee dhulkii Somalia ay ku dhici karto Kenya . Maanta ayaa jaanis iyo waqtiba jiraa laakiin haddii hurdada lagu soo jiro waxaa imandoonta maalin aan waxba laga qaban karin.

Puntlandes.com

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *