Dhagayso: Xildhibaan Xasan Xaange oo iska fogeeyay eedayn loosoo jeediyay

0

Garowe (Pes) Xildhibaan Xasan Xaange Maxamed oo ka mid ah aqalka Baarlamaanka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qirshool uu sheegay in lagu damacsan yahay in lagu dilo.

Maanta oo uu shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayuu Xildhibaanku cadeeyay inaysan run ahayn wararka sheegaya inuu xarunta Baarlamaanka dhexdeeda ku caaay diinta Islaamka isla markasna arrintani dad kale ay wataan.

Shalay ayaa Masaajidyado ku yaala magalada garowe lagu soo qaatay salaadii Jimcaha laguna sheegay in Xildhibaan Xaange uu diinta caayay isla markasna ay haboon tahay inuu diinta kusoo laabto, Xildhibaanka ayaa hadalkaasi ku sheegay mid been abuur ah wixii ka danbeeyayna uu Maxkamadda lasoo fuuli doono.

Hoos ka dhagayso xildhibaanka

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *