Baydhabo: Guddigii Doorashada ee Xasan Sheekh magacaabay oo lakala direy & mid cusub oo la magacaabayo

23 June 2016 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay shir XASSASI ah oo ay ku yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya u fadhiya iyo madaxda Hoggaamiyaasha Qaranka, halkan ka akhriso Warbaahinta Puntlades oo u qortay shirkan iyo in la kala diri doono Gudigii uu madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay.

226-3c2

War qoraal ah oo kasoo baxay Dhawaan Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in la isla gartey in wax laga beddelo guddigii doorashada ee heer federaal oo keliya laga saaro dhamaan Siyaasiyiinta ku jira laguna beddelo guddiyo farsamo, si loo helo kalsoonida lagu qabi karo guddigaas.

“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah.Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa daraadeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadaba Guddigii Doorashooyinka ee dhawaan Madaxweynuhu wareegtada ku saarey oo gaarayey 22 xubnood ayaa dhamaantood waxay ahaayeen Wasiiro, Shaqaalaha Xafiisyada madaxda sare iyo Xildhibaano uu soo xushay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Guddigii uu Xasan Sheekh magacaabay ayaa waxaa si isku mid ah uga soo horjeestay dhamaan ummadda soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka sidii ay baahisay Warbaahinta Puntlades, iyagoo diidanaa sida indho la’aanta ah ee uu madaxweyne Xasan ugu koobay Guddiga dad uu isagu soo xushay oo shaqadoodu tahay inay ka shaqeeyaan sidii uu dib ugu soo noqon lahaa Kursiga madaxtinimada Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author