Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Boqorka dalka Sacuudiga

2 July 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo haatan booqasho ku jooga dalka Sacuudiga, ayaa la kulmay u adeegaha Labada Xaram ee Shariifka ah,ahna Boqorka Sacuudiga Boqor  Salman bin C/Casiis Ala Sacuud.

227-2a2

Raysul Wasaare Cumar oo la afuray Boqorka, kadib, waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Walalaha ah  Soomaalia iyo Sacuudiga iyo guud ahaan qadiyadaha muhimka ah oo  ay laba waddan wadagaan.

Kulunkaasi dhex maray Boqorka iyo Raysul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uu ka dhacay Qasriga  Al-safaa ee Maka Al-mukaram.

Dhanka kale, Raysul Wasaaraha Somaaliya oo ka Cimreystay Masjidka Xaramka, wuxuu kaloo halkaa kula kulmay Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Masjidka Xaramka General  Mahamed Al-axmadi.

Puntlandes.com

About The Author