Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada

Madadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudugu ayaa maanta 2-July-2016 kulan ballaaran la qaatay qabaha kala duwan ee bulshada gaalkacyo.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen cuqaal, wax-garad, aqoon yaha, dhallinyaro iyo haween ayaa waxaa diiradda lagu saarayey xaaladda amni ee gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo iyo sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha magaalada ka wada falalka argagixisanimo.

Dhammaan dadweynihii kala duwanaa ee kasoo qayb galay shirka ayaa soo jeediyey talooyinkooda la xiriira sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amni ee magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan tan gobolka Mudug, waxaanay soo jeediyeen dhammaan dadweynahaasi in dawladda lagu gacan siiyo dedaalka ay ugu jirto sugidda nabadgelyada magaalada.

Xubno ka tirsan golaha xukuumadda dawladda Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirrada Amniga, Deegaanka, Hawlaha guud iyo maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo khudbado kasoo jeediyey shirka ayaa dadweynaha u sheegay in jiraan hawl-gallo lagu sugayo nabadgelyada oo laga bilaabay magaalada, isla markaana waxay ka codsadeen bulashadu in ay la shaqayso laamaha amniga.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirka soo xiray ayaa dadweynaha reer Gaalkacyo ku dhalliilay in ay ka gaabiyeen doorkoodii la xiriirey sugidda amniga balse looga baahan yahay in isbeddel intaa ka ballaaran la suubiyo lalana shaqeeyo laamaha ammaanka.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay dawladdu halkaan u timi in laga fuliyo hawl-gallo baaxad weyn oo lagu xaqiijinayo sugidda nabad-gelyada iyo soo afjaridda fallalka argagixisanimo ee liddiga ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana shacabka looga baahan yahay in ay qaybtooda ka qaataan si loo soo afjaro kooxaha caadeystey in ay miirtaan dhiigga shacabka.
IMG_8126IMG_8129IMG_8131IMG_8133IMG_8136IMG_8137IMG_8138IMG_8142IMG_8150IMG_8155IMG_8158IMG_8159IMG_8174IMG_8178IMG_8182IMG_8183IMG_8185IMG_8188IMG_8191IMG_8194IMG_8199IMG_8200IMG_8201IMG_8203IMG_8209IMG_8215IMG_8218IMG_8223IMG_8224IMG_8236IMG_8248IMG_8250IMG_8253IMG_8256IMG_8262IMG_8266IMG_8270IMG_8274IMG_8279IMG_8290IMG_8308IMG_8313IMG_8314IMG_8328IMG_8336IMG_8341IMG_8359IMG_8365

 

About The Author