Dhagayso:Khudbad Xasaasi ah oo uu madaxweyne Gaas u jeediyey reer Gaalkacyo

3 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo safar Shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa uu la kulmay Shalay Nabadoonada, Odoyaasha, Aqoonyahaynka, Haweenka iyo dhalinyarada magaalada Gaalkacyo.

227-1a

Khudbad aad u dheer oo Xasaasi ah ayuu madaxweynuhu ka jeediyey Kullankaas, isagoo aad ugu dheeraaday inay lama HURAAN ay tahay in isbedel dhan walba ah oo wax ka bedelaya xaalada Amni oo aad u xumaaday waayadii dambe wuxxuna yiri madaxweyne Gaas o oka hadlaya Amni xumada Gaalkacyo ”Culays Amni ayaa ku yimid magaalada, waxaan u nimidna in aan idinla qaybsano, idin la daerrono xanuunka idin haya, waxaanu ka qaban karnana ka qabano weeye waxaanu u nimid maanta meeshan”

Gaas ayaa intaas kusii daray ”Amni Xumada magaalada kusoo korortay in Xal dhab ah loo helo oo laga gaaro bay baahan tahay, Xalkuna dawlad timaada oo 10 berri joogta kuma imaanayo, RUNTA haddii la rabo xalku waxa uu ka imaan karaa waa idin gacantiina ayuu ku jiraa, dawladu waxay samayn kartaa oo kaliya oo waa inay idin bari taarto, inay idin Taakulayso, inay wax idin la cel-celiso, in wixii idinka dhiman ay idin ku siyaadiso weeye, Laakiin FURAHA NABADDA IYO XALKA AANU RAADINAYNO CIDDA BUD DHIGAHA U AH IDINKA WEEYE”

Madaxweyne Gaas ayaa wax uu reer Gaalkacyo XUSUUSIYEY inuusan madaxweyne u ahayn Gaalkacyo kaliya uuna horay u geliyey waqti badan oo gaaraya ku dhawaad 4 bilood isagoo doonayey inuu wax ka qabto dhibaatada haysata Gobolka Mudug oo aan helin dawladnimo ka hanaqaada iyo isagoo ku yaala xad daruufo gooni u ahna ay haysataan wuxuuna yiri gaas ”dawlad uma aha dawlad Gaalkacyo kaliya ee Puntland oo dhan bay u tahay, marka waqtiga ay Gaalkacyo in, waa la socotaanoo halkan waxaan joognay 4 bilood ku dhawaad, waxaana is iri Gobolkani maadaama uu xaalad gooni ah ku jiro, maadaama uu Gaobol xad ku yaal yahay , maama uu Gobol dhib gaar ah qaba uu yahay, bal dhibtaas waxa aan ka qaban karnod hanka Horumarinta iyo wacyi gelinta in aanu suubino, waxbaa la qabtay waa run, waa dadaalnay, laakiin sida ay hadda wax ku socdeen, waaxaanu idinka maqan nahay 6 bilood, meeshii aanu waagaas ka nimid meel ka HOOSAYSA ayey tagtay 6da bilood gudahooda, markiina waxaan is lahayn waqti badan magaalada waad geliseen waadna ku Guulaysateen , waxna waad qabateen waa ku faanaynay, waxaana filaynay iinay inta harsan ay Gaalkacyo dadkeeda u taalaa inay sii durkiyaan, inay sii riixaan, inay sii adkaystaan, iany wax ku sii daraan”

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu xusay Carqabadihii soo wajahay Gaalkacyo 6daas bilood gudahooda, isagoo soo qaaday weerarkii ay Galmudug kusoo qaaday magaalada iyo Weerarkii ay Alshabaab kusoo qaaday Gobolka waxa uuna yiri ”Shidooyin waa yimaadeen aanaan ku talo gelin oo dagaalkii halkan magaalada ka qarxay uu ka mid ahaa oo dhib wayn gaystay Xasaradiisiina ay wali taagan tahay, Shabaab oo duulaan ahna way yimaadeen oo Goboladii ay Shabaab kusoo duuleen ayuu Gobolkani ka mid ahaa, waxaana keenayey Dhibtaas meesha uu ku yaalo Gobolku iyo xaaladda uu ku sugan yaha, waaa filaynay markii Shabaab intaas laga dilay inaasna laga qabtay Guuldaro xunna ay ka raacday hada Gobolka ay dhibtu ka dhacaysay Gobolkan buu ahaa…..Shabaabna waxay dileen dhawrkii bilood ee u dambeeyey dadkii haldoorka u ahaa Gaalkcayo Dhudi ba ha u horayso.. inta kalena la mid bay ahaayeen, in sida Gorayadii aan wajiga qarsano oo Ciida gashano iyo in aanu is Difaacno wax u dhexeeyaa ma jiraan, meel dhexe oo la joogi karaa aniga iima muuqato”

Dhagayso madaxweyne Gaas


Puntlandes.com

About The Author