FAALLO: Puntlandes oo ka daalaco Tirada dadka uu wasiir Caynte siiyey Dawlad Goboleed kasta oo ka mida JFS

3 July 2016 (Puntlandes) 29kii June 2016 ayaa waxaa madaxda DFS ay soo bandhigeen ama ay Daahfureen Qorshe loogu yeeray Qorshaha Qaran (Somali National Development Plan ) ee sadexda sano ee soo socota 2017 ilaa 2019.

226-8c

Qorshaha ayaa waxaa Villa Soomaaliya kusoo bandhigay madaxweynaha DFS Xasan Sheakh, Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid, gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheakh Cismaan (Jawaari) xubno katirsan Golaha Wasiirada.

227-2b3

Qorshahan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey oo soo diyaariyey Wasiirka Qorsheynta DFS Cabdiraxmaan Sheekh Cali Ceynte oo caan ku ah Xag-jirnimo ku salaysan Qabyaalad, isagoo si aan gabasho lahayn u duudsiya Xuquuqda shacabka iyo dawlada Puntland.

Wasiir Caynte ayaa waxa Buugiisa ka dhexmuuqda Shax uu ugu yeeray inay tahay Qiyaas lagu sameeyey Tirada ummadda Soomaaliyeed, taaasoo uu ku saleeyey Gobol Gobol 18kii Gobol ee ay ka kooban tahay JFS.

Puntland ayuu sidii caadada u ahayd waxa uu isku dayey inuu yareeyo Tirada dadkeeda intii karaankiis ah, waxa uuna ku sheegay inay Puntland dadkeedu Soomaaliya inteeda kale ka yihiin 18,77% isagoo ka dhigay Dawlad Goboleedka sadexaad waxaana uu ka kormariyey Somaliland oo uu kaalinta koowaad siiyey iyo Koonfur Galbeed oo uu kaalinta labaad siiyey, waxaana si cad u muuqata Qorshe ku talagal ah oo qabiil ku dhisan inuu yahay.

Aqoonyahano reer Puntland ah oo ay wax ka waydiisay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay kusoo koobeen ”waa wax iska cad sida ay u shaqeeyaan Wasiir Cayte iyo inta ku xeeran, shacabka reer Puntland na waa la socdaan”

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay Akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa Tirada dadka ay Dawlad Goboleed kasta ka helayso Qorshaha Caynte iyo boqolkiiba (%) inta ay ka noqonayso tirada guud ee uummadda Soomaaliyeed, anagoo u kala hormarinayna sida ay u kala badan yihiin.

  1. Somaliland                   2 666 667
  2. Koonfur Galbeed         2 361 627
  3. Puntland                       2 311 510
  4. Jubaland                       1 360 633
  5. Hiiraan/SH. Dhexe     1 036 721
  6. Galmudug                        820 686
  7. Tirakoobka Caynte waxay magaalada Muqdisho ka heshay 1 650 227 qof inay ku nool yihiin.

Boqolkiiba % inta ay ka noqonayso Dawlad Goboleed kasta tirada guud ee uummadda Soomaaliyeed , wuxuu Caynte ka dhigay sidatan:

  • Somaliland                  21.65%
  • Koonfur Galbeed       19.17%
  • Puntland                     18.77%
  • Jubaland                     11.05%
  • Hiiraan/SH. Dhexe     8.42%
  • Galmudug                      6.66%
  • Muqdisho waxay ka noqonaysaa 13.40%

Waxaa Xusid mudan Hiiraan/SHabeelaha Dhexe iyo Galmudug oo marka la isku geeyo Soomaalaiya ay dadkoodu ka noqonayaan 15.08% inay Aqalka Sare ka heleen 16 Kursi halka ay Koonfur Galbeed ka heshay 8 Kursi iyad oo Soomaaliya ka ah 19.17% ama Puntland oo Soomaaliya ka ah ay ka heshay 11 Kursi waa haddii la qaato Tirada Caynte!!!

Gobolka Bari

Tusaale Gobolka Bari oo ah Gobol aad u balaaran ugu wayn kana kooban Dagmooyin badan, dad fara badanina uu ku nool yahay ayaa waxay DFS ku sheegtay inay ku nool yihiin 719 512 qof iska daa Gobolka Bari oo dhan e magaalada Bosaso kuma noola tiradaas ay DFS ku sheegtay Gobolka Bari oo Puntland iminka uga kooban sadex Gobol oo kala ah Bari, Karkaar iyo GardeFuu. Ma aha wax macquul ah in Gobolka Togdheer uu ka bato Gobolka Bari uuna Gobolka Bari noqdo Gobolka 5aad ee Soomaaliya marka laga eego tiradda dadka iyadoo laga hor mariyey W/Galbeed, SH. Hoose, banaadir iyo Togdheer.

Sidaas si la mid ah ayey DFS si ula kac ah u yaraysay Tiradda dadka reer Puntland taasoo uu Wasiir Cayte waqti badan geliyey, iyadoo dhamaan Gobolada Puntland tirada dadkooda ay DFS hoos ugu dhigtay si ula kac ah.

Shaxda DFS ee uu Wasiir Caynte sameeyey

227-2b2

Puntlandes.com

About The Author