Dhagayso: Isbahaysiga xisbiyada Soomaaliya oo mar kale kasoo horjeestay Gudiga doorashada ee uu madaxweyne Xasan magacaabay

4 July 2016 (Puntlandes) Isbaheysiga xisbiyada Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku yeesheen shalay magaalada Muqdisho waxay kasoo horjeesteen dib u magacaabitaanka uu madaxweyne ku sameeyey Guddiga Doorashooyinka ee Soomaaliya.
26-2a1
Kulan ay isbaheysigaas ku yeesheen muqdisho ayey waxay ka muujiyeen walaac aad u wayn qaar kamid ah xubnaha Guddigaas oo ay sheegeen inay ka tirsanyihiin xafiiska madaxda Soomaaliya.

Waxayna kulankooda ay ugu dambeyntii kasoo saareen baaq ay ku codsanayaan in mar sadexaad wax laga badelo guddigaas maadaama ay kujiraan xubno taageersan madaxda qaran ee somalia.

Isbaheysiga ayaa sheegay inay keeni karta in lagu shubto haddii aan wax laga bedelin.

Dhagayso gudoomiyaha xibiga midnimada qaran ee soomaalia yuusuf cusmaan maxamuud shimbir oo laga waraystay walaacooda


Puntlandes.com

About The Author