BREAKING NEWS: Raysul Wasaare Cumar oo magacaabay Gudiga Matalaada & Maqaamka Caasimadda

19 July 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ku magacaabay Gudiga Matalaada iyo Maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida ku cad Wareegto soo gaartay Warbaahinta Puntlandes.

226-3

Gudigan Matalaada iyo Maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka kooban 19 Xubnood oo kala kala socda DFS, Dawladaha Xubnaha ka ah iyo Magaalada Muqdisho sidii lagu go’aamiyey Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha ee Baydhabo.

Qodobadii kasoo baxay Shirkii baydhabo ayaa Qodobka 5aad waxa uu u qornaa sidan:

  • Waxaa la magacaabay Guddi kasoo talo bixiya Maqaamka magaalada Muqdoisho Gudigu wuxuu ka kooban yahay 19 Xubnood oo ay 5 ka mid ah ay soo magacawday DFS, halka Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banadir ay soo macaabeen mid labo Xubnood, Guddiguna wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17 Luulyo/July 2016ka

Waxay ahayd in Gudigani uu soo gudbiyo talo bixintiisa  17ka July 2016ka, laakiin waxaa ku cad Dikreetada kasoo baxday Xafiiska Raysul wasaaraha 18kii July 2016 maalin ka dib markuu gudigu soo gugbin lahaa talo bixintiisa.

Kuma cadda Dikreetada kasoo baxday Xafiiska Raysul wasaaraha goorta ay gudigani soo gudbinayaan talo bixintooda.

Akhriso Dikreetada kasoo baxday Xafiiska Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke

228

About The Author