Maamulka Galmudug oo Ka Hadlay Xaalada Caafimaad ee Madaxwaynaha Galmudug

20 July 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa iyadoo usoo gudbinaysa Akhristayaasheeda waxay ugu hor qortay in madaxweynaha maamulka Galmudug loo qaaday dalka India laguna dabiiyayo Isbitaal ku yaala magaalada Bambai ee dalka, iyadoo Qaliin dhanka Xididada Wadnaha aada lagu sameeyey, halakna ka akhrso Qoraalkii Warbaahinta Puntlandes; C/kariin Guuleed oo loola cararay Isbitaal ku yaal dalka India

196-13

Akhristayaasha ku xiran Warbaahinta Puntlandes waxaan markasta idiinku hawqlanahay inaan idiin soo gudbino hadba wixii cusub.

Hadaba maamulka Galmudug ayaa markii u horaysay ka hadlay Xaalada Caafimaad ee madaxweyne Cabdikariim iyagoo cadeeyey in Qaliin lagu sameeyey laaakiin aan sheegin meesha lagaga sameeyey ee hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay:

War-Saxaafadeed:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa safar caafimaad ugu maqan dalka Hindiya halkaas oo uu todobaadkii tagey aadey.

Ka hor intuusan Hindiya aadin, Madaxweynuhu wuxuu kulamo kala duwan kula lahaa Nairobi beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Deegaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa lagu sameeyay qalliin fudud oo qaatay qadar kayar saacad, wuxuuna kusoo laaban doonaa dalka haduu Eeebbe idmo si uu usii ambaqaado hawlaha shaqo ee uu ka hayay Galmudug. Wakhti xaadirkan waxaa si hufan u wada shaqooyinka la xiriira dhinacyada horumarka iyo siyaasadda Galmudug Madaxweyne Kuxigeenka iyo Golaha Wasiirada.

DHAMMAAD

 

About The Author