BREAKING NEWS: Gaari Xamuul ah oo Waxyaalaha Qarxa laga soo Buuxiyey oo lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

26 July 2016 (Puntlandes) Waxaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho labo qarax oo aad u xoogan oo loo adeegsaday Gawaari Xamuul ah oo laga soo buuxiyey Waxyaalaha Qarxa.

226-3

Qaraxyada ayaa mid ka mid ah uu ka dhacay Koontarool laga galo Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu baaro baabuurta, kaasoo lagu magacaabo Madina Gate oo ku yaala dhinaca wadada ka timaada Danwadaagta degmada Wadajir.

Qaraxyadan ayaa ahaa kuwa aad u xoogan si weyna looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada kadib aagaasi laga maqlay rasaas aan la ogeyn waxa ay tahay iyo cida rideysa.

Wali si rasmi ah looma hayo Khasaaraha uu sababay weerarkan iyo inta uu le’eg yahay toona, iyadoo uu ka dhashay weerarkan qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kala soco Warbaahinta Puntlandes faahfaahin

Puntlandes.com

About The Author