Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoonka Konooko kusoo dhoweeyey xulka Kubbadda Cagta Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 31 July, 2016 Garoonka diyaaradaha ee Konoco ee duleedka magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey xulka kubbadda cagta Puntland, kuwaas  oo dhowaan ku guuleystey koobkii ciyaaraha ee u dhexeeyey dawladda Puntland iyo dawlad goboleedyada dalka.

Soo dhoweynta ayaa waxaa ka qayb qaatay Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugaalk,kan degmada Garoowe, saraakiisha kala duwan ee ciidanka iyo kumannaan dadweyne ah oo ku labbisan Calanka Puntland iyo kan Soomaaliya, kuwaas oo ay ka muuqanaysey farxad aad u sarraysa.

Madaxweynaha ayaa markii ay ciyaartoydu soo gaareen Garoonka Konoko waxa uu mid mid u gacan qaaday dhammaan xiddigahaasi  oo ay wejiyadooda ka muuqatey sida ay ula dhacsan yihiin guusha iyo sharafta ay dalkooda iyo dadkooda u soo hooyeen.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey xulkaan sharafta ay Puntland u soo hooyeen waxaana uu kula dardaarmay in ay halkaasi kasii wadaan dedaalka ay ugu jiraan in ay noqdaan horyaalka kubbadda cagta ee Soomaaliya, isagoona Madaxweynuhu sheegay in la guddoon siin doono abaal marino u dhigma guusha ay usoo hooyeen Puntland.

Ciyaartoydaan guusha taariikhiga ah kasoo hooyey tartan ciyaareedkii maamullada dalka ayaa markii ay soo gaareen gudaha magaalada Garoowe waxa ay la kulmeen kumannaan dadweyne ah oo ku sugayey Barxadda Garoowe, kuwaas oo lulayey Calanka Puntland iyo muuqaal gacmeedyo waaweyn oo lagu soo xardhay sawirrada xiddigaha kubbadda cagta Puntland.

Habeenimada caawa ah ayuu Madaxweynaha dawladda Puntland casho sharaf isugu jirta  soo dhoweyn iyo dhiiri geli la qaadan doonaa xulka kubbadda cagta, waxaana ay muujinaysaa arrintaani sida uu Madaxweynuhu ula dhacsan yahay guusha taariikhiga ah ee uu xulkaani u soo hooyey Puntland Puntland kaddib 18-kii sanno ee ay Puntland jirtey.

 

IMG_1402IMG_1406IMG_1421IMG_1423IMG_1434IMG_1439IMG_1440IMG_1443IMG_1444IMG_1447IMG_1452IMG_1455IMG_1461IMG_1468IMG_1480IMG_1497IMG_1500IMG_1502IMG_1505IMG_1507IMG_1515IMG_1527IMG_1538IMG_1542IMG_1553IMG_1560IMG_1590IMG_1601IMG_1604IMG_1615IMG_1620IMG_1688IMG_1689IMG_1693IMG_1698IMG_1714IMG_1718IMG_1724IMG_1733IMG_1750IMG_1772IMG_1776IMG_1779IMG_1801IMG_1803IMG_1818IMG_1820IMG_1821IMG_1828IMG_1831IMG_1835IMG_1842IMG_1845IMG_1847IMG_1851IMG_1855IMG_1859IMG_1865IMG_1870IMG_1872IMG_1876IMG_1878IMG_1879IMG_1881IMG_1882IMG_1890IMG_1892IMG_1896

About The Author