Daawo Sawirro+Warbixin: Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Booqday Gaalkacyo Fariinna Udiray Maamulladda Dariskaa.

22 Aug 2016 (Puntlandes) Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland Eng: c/xakiin Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu Booqday shacabkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Gaalkacyo.

Kusimaha ayaa waxaa weheliyey madax kala gadisan oo uu ka mid yahay, wasiirkii caafimaad dowladda Putnland, iyo wasiiradii horay u joogay magaaladda Gaalkacyo, oo uga soo warbixiyey sida ay wax u dheceen iyo goobihii wax ka dheceen.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa waxaa uu tagay Isbitaalada waaweyn ee lakala geeyey dadkii ku dhaawacmay Qaraxa, sida Isbitaalka weyn ee MGH, GMC, Iyo Isbitaalka Gurya samo, halkaas oo ay yaalaan dhaawacyo ubadan Shacab, haween iyo caruur.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay qaadayaan dadka dhaawacoodu culusyahay, isaga oo intaas ku daray in ay, ku kalsoon yihi dhaqaatiirta Gaalkacyo, sida uu shacabkoodu ugu kalsoonyahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan wda shaqaynta Qaybaha kale, ee maamuladda dariskaa, taas oo wax weyn ka badali karta ladagaalanka Argagixisada.

Sawirro.

IMG_3240

IMG_3243

IMG_3250

IMG_3253

IMG_3257

IMG_3280

IMG_3283

IMG_3319

IMG_3356

IMG_3379

IMG_3386

IMG_3405

IMG_3430

IMG_3449

Puntlandes.com

About The Author