Dhagayso: Puntland oo isu diyaarinaysa Qof iyo Cod sanadka 2019.

Dowladda Puntland ayaa waxaa ay isu diyaarinaysaa, in ay dalka ka qabsoonto doorasho Qof iyo cod ah, taas oo loodiyaar garoobayo inta ka horaysa sanadka 2019.

kulan lagu qabtay Lsaa-qoray, ayaa waxaa ku kulmay madaxda Gobolada Sanaag, Bari, Haylaan iyo gobolka Gardafuu, waxaana looga hadlayey sidii ay goboladaasi ugu diyaar garoobi lahaayeen doorashada Halqof iyo Hal cod, waxaana lagu aruuriyey afkaarta dadka goboladaas, waxaana laga tashanayey qorsha hirgalinta doorashada.

Gudoomiyaha degmada martida loo yahay ee Laas qoray Mr. Yuusuf Jaamac Axmed, oo ka hadlay kulankaas, ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay mid lagu doonayo aqoon iswaydaasiga wajigiisa koowaad lagu fuliyo, iyada oo kadib markii gobolada laga soo dhamaadana, madaxda gobolada iyo kuwa dagmooyinku ay isugu tagi doonaan, magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Dhagayso

 

About The Author