Dhagayso: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ”waxaan ognahay in Alshabaab ka hawlgasho xadka u dhaxeeya Puntland & Galmudug”

1 okt 2016 (Puntlandes) Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz oo waraysi dheer siiyey idaacadda VOA ayaa caddeeyey in Baaritaan ay samaysan Waaxda Difaaca dawlada Maraykanka ay go’aamisay inaan lagu dilin weerarkaasi dad rayid ah.

231-4a4

Safiirka Mareykanka ayaa caddeeyey in Kooxda Argagixisa ee Alshabaab ay ka hawlgasho Xadka úu maamulka Galmudug la wadaago Puntland wuxuuna yiri ”waxaan ognahay in Alshaab ka hawlgasho xadka u dhaxeeya Puntland & Galmudug, waxayna isku dayayaan sidii ay tafaraaruq u kala dhex dhigi lahaayeen Qabaa’ilka Gobolka dega”

Safiirka oo la waydiiyey eedayntii maamulka Galmudug ee ahayd in Puntland kusoo hogaamisay Maraykan inay dukheeyaan Ciidan Galmudug ayaa waxa uu kaga jawaabay “Maraykanku isagaa mas’uul ka ah Ficilada ama dhaqdhaqaaqa Ciidan ee uu ka wado Soomaaliya…”

Dhagayso waraysiga Safiirka


Puntlandes.com

About The Author