Dhagayso: Nabadoon Daahir Dhangad Mudug oo Fariin adag u diray Qaybdiid

130

Gaalkacyo (Pes): Nabadoon Daahir Aaden Dhangad oo horay uga mid ahaa Ciidamada dowladii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Qaydiid ay Daaha gadaashiiga taagan tahay dowlada Xasan Culusoow,si Colaad iyo khalkhal uga abuuuro Gobolka Mudug.

Daahir Dhangad ayaa u digay Qaydiid ‘’Waa lagu soo dirdiraa Mar Xamar baad waxaad kala timi teer iyo Burtinle iyo Bacaad wayn iyo Buuryaqab annagaa lahaan jirnay Godin iyo Garwayn baa lagu qoday,nin wayn hadal uu ku hadlo maha,adiga iyo wixii kuso dhiibay Run baan kuu sheegayaa Dhulkaa dad baa dagan oo leh,ku dhashay waligiina daganaa,waxaad yeeshaa meeshaad ku dhalatay waad taqaan ku ekow’’Ayuu yiri.

 

Nabadoon Daahir ayaa wax lala yaabo ku tilaamay in Cabdi Qaybiid uu sheegtay Dhulka reer Puntland,wuxuuna muujiyay in walaalnimada iyo Soomaalinida ay wannaagsan tahay,haddii sida loogu talagalay loo wada fuliyo.

‘’Hadda ka hor waa idigii yiri laba Gobol baa la is raacinayaa oo ku Maahmaahay ama Fad ma ha fadin waa lagu Fadsiin,reer Puntland lama fadsiin karo’’Ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray ‘’….Waxaad ku socotaa oo lagu yiri GAL-Mudug,xalayna waxaad ku hadlaysay waan ogayn,Garoonka Soomaali baa leh baad tiraahdaa,Soomaali waa la wada yahay,laakiin Nin waliba Gurigiisa isagaa leh’’.

Nabadoon Daahir Dhagngad ayaa sheegay in haddii Cabdi Qaybdiid uu doonayo Garoon inuu ka dhisto Hobyo,laakiinse aysan suuragal ahayn inuu Garoon ka dhisto Dhul ku yaala Gaalkacyo.

‘’Waxyaalo badan oo aad moogtahay oo aad sahlanayso ayaa imanaya,Ragga jooga Puntland,Galgaduud iyo Jubbaland Duulaan baa lagu yahay’’Ayuu yiri.

Wuxuuna hadalka ku soo gabagabeeyey ”Guntigaanu ishaysanaaye horta waa keenii dhaca”

 

Hoos Ka Dhagayso Nabadoonka

Puntlandes.com

About The Author