DEG DEG Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ciidamada Jabuuti ee Beledweyne

25 okt 2016 (Puntlandes) Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

231-7d3

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo laga maqlay xaafadaha magaalada Beledweyne.

Saldhiga ciidamada Jabuuti ee ku yaala xaafada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada Jabuuti ay ridayaan taasi oo  baqdin kale ku abuurtay shacabka magaalada.

Lama yaqaan khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, balse waxaa dadka ku sugan magaalada ay sheegayaan iney jiraan waxyeelo soo gaartay shacabka iyo gurmo qaraxa xoogiisa ku burburay.

Faahfashin kal soco Warbaahinta Puntlandes Insha allah

 Puntlandes.com

About The Author