XOG: Ciidamo ay DFS kusoo daabulayso Cadaado, si ay uga qaybqaatan Colaada Galkacyo & AMISOM oo lagu Bedelay si ay Amniga usugaan

24 okt 2016 (Puntlandes) Xog ay heshay Warbaahinta Puntlandes oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxweynaha DFS Xasan Sheekh amar kasoo baxay shalay ay ku yimaadeen Cadaado dhawr diyaaradood oo qaarna ay wadeen Hub, Ciidan iyo Saanad qaarna ay wadeen Ciidamo AMISOM ah oo lagu sheegay inay ilaalinayaan Doorashada la filayo inay ka dhacdo Cadaado.

231-7e6

Xogta ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa ah Qorshe ay Villa Somalia u dajisay inay ku Qabsadaan magaalada gaalacayo ee xarunta Gobolka Mudug, qorshahaas oo ah:

  1. In Ciidamo cusub ay DFS gayso Cadaado kadibna la geeyo Koonfurta Gaalkacyo si ay uga qaybqaatan Colaada Galkacyo
  2. In Ciidamadii DFS ee sugayey Amniga Cadaado la geeyo Koonfurta Gaalkacyo
  3. In Ciidamadamo AMISOM ah la geeyo cadaado si ay Amniga u sugaan, iyagoo bedelaya kuwii DFS

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in weerarkii saaka lagu soo qaaday Ciidan difaaca Piuntland inay ka qayb qaateen Ciidankii shalay Muqdisho laga keenay kuwaasoo laga soo gudbiyey cadaado iyo Cidankii Fadaraalka magaciisa sitay ee ku sugayey Amniga Cadaado kadib markii lagu bedelay kuwa AMISOM ka socda.

231-7e7

Ciidanka Cadaado laga keenay ayaa waxaa Koonfurta Gaalkacyo la keenay shalay galab , Ciidankaas ayuuna ahaa kii Saaka weerarka kusoo qaaday Ciidamada Puntland ee difaaca kaga jira Gaalkacyo.

Taageerada & qaybta ay DFS ku leedahay Dagaalka Gaalkacyo

231-7e8

DFS oo Galmudug la Garab taagan taageero dhan walba ah, iyadoo ku taageeraysa hantidii ka dhaxaysay ummadda Soomaaliyeed oo ay reer Puntland ka weerarka lagu yahay ay ka mid yihiin.

Taageerada DFS ayaa kala ah ama ka kooban:

  1. Gurmad Ciidan oo joogto ah
  2. Hub iyo Rasaas aan kala go’ lahayn
  3. Raashin iyi Dawo
  4. Qaadid Dibada dhaawaca liita iyo dawayn kuwa u baahan
  5. Khuburo Ciidan oo dagaalka hagaya
  6. Taageero Dhaqaale oo aan kala go’ lahayn iyo abaanbul malayshiyo Beeleed dagaalka ka qayb qaata

Warbaahinta Puntlandes ayaa shalay akhristayaasheeda usoo bandhigtay DFS oo Diyaarad kaga qaaday Dhaawicii Cadaado kadibna Garoonka Muqdisho kaga Guraya gaadiidkii Booliska Federaalka iyadoo arinkaas fulinayey wasiir kuxigeen arimaha Dinbada DFS oo uu Xasan Sheekh u xilsaaray.

12

Maanta ayaa waxaa qiray arinkaas wasiir kuxigeen Caafimaadka maamulka Galmudug Maxamed Xasan Cali oo sheegay in dhaawacyada la keenay Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwii ugu liitay askartii dagaalka kaga dhaawacantay, halkan ka akhriso Xogtii ay Warbaahinta Puntlandes la wadaagtay akhristayaasheeda.

Dhagayso wasiir kuxigeen Caafimaadka maamulka Galmudug

Puntland Gaalkacyo waxaa laga soo weearay Xamar!!

gaas1-764160

Iyadoo awal ay wasiiro ka tirsan Dawalada Puntland si cad ay u sheegeen in dagaalka Gaalkacyo laga soo abaaabulay magaalada Muqdisho ayna qayb wayn ku leedahay DFS iyo madaxweynaheeda ayaa maanta Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kasoo degay magaalada Bosaso waxa uu sheegay isagoo la hadlayey Saxaafada in Gaallkacyo looga soo duulay ama laga soo weearay Xamar ayna ka dambeeyaan Madaxda DFS ee dhigoodu yahay Villa Somalia .

Daawo Shirkii jaraa’id ee madaxweyne Gaas

Madaxweyne Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda iyo Sharaftooda oo Xamar duulaan looga soo qaaday, isagoo su’aal ka keenay madaxweynuhu sida dawlad loola dhisan karno Xamar.

Hadalka madaxweynaha halkan hoose ka dhagayso


Weerarka Gaalkacyo xamar looga soo qaaday waa mid cadaan ah inuu yahay mid madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo inuu Soomaaliya dib uga rido dagaal sokeeye oo ka xun kii 1991dii oo uu ka mid ahaa Saraakiishaa Jamhadii USC.

Waxaan la saadaalin karin xaalku sida uu noqon doono laakiin waxaa cad inay Soomaaliya mar kale cagaha la gashay Dagaal Ahli ama Sokeeye kaasoo Cawaaqib xumo uun keenaya aanna laga macaashayn.

Puntlandes.com

About The Author