DEG DEG: Galmudug ”Dagaalka ka Joojin mayno Puntland ilaa ay na Aqoonsadaan”

24 okt 2016 (Puntlandes) Maamulka Galmudug ayaa goor dhawayd ka hadlay Dagaalkii maanta ka dhacay Koonfur Galbeed Magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeyey Ciidamada dawlada Puntland iyo maamulka Galmudug.
231-7c3
Afhayeenka Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Axmed Xasan Faarax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuusan maamulka Galmudug dagaalka joojin doonin ilaa ay dawlada Puntland waxa ay rabaan u hogaansato.

Marka waxa laga waydiiyey waxa ay ka damacsan yihiin shacabka ay ku kor dagaalamayaan ayuu wuxuu ku jawaabay ”Shacabka reer Gaalkacyo ilaahood ayaa u gartay in korkooda lagu dagaalamo”

Wuxuuna kusii daray hanjabaad uu ku sheegay in Gaalkacyo labada maamul mid u harayo wuxuuna yiri isagoo la hadlay shacabkiisa ”joojin mayno dagaalka, shacabkayagana waxaan ka codsanaynaa inay iska dhiciyaan reer Puntland”

Afhayeen Axmed wuxuu Cod dheer ku sheegay inaysan Galmudug Nabad qaadanayn, aysana yeelayn wax aan dagaal ka ahayn wuxuuna yiri ”ANAGU DAGAALKA WAAN KUSII WADAYNAA PUNTLAND, JOOJINA MAYNO”

Tani waxay cadayn u tahay Qaska iyo Colaada ay Huwanta isgaashaanbuursatay ku soo qaaday dawlada iyo shacabka Puntland oo ilaa iyo hada aan wax weerar ah aan qaadain ee isdifaacaya iyagoo cidna aan DUULAAN KU ahayn.

Halkaan Hoose ka akhrisi sida ay DFS colaada Mudug uga qayb qaadanayso

XOG: Ciidamo ay DFS kusoo daabulayso Cadaado, si ay uga qaybqaatan Colaada Galkacyo & AMISOM oo lagu Bedelay si ay Amniga usugaan

Dhaawicii Galmudug oo gaaraya ilaa 21 oo Muqdisho la Geeyey iyadoo ay DFS Garoonka uga qaaday Gaadiidka Booliska Federaalka (CADAYN)

Dhagayso Afhayeenka Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug


Puntlandes.com

About The Author