Waa inaannu taageerno horumarka Puntland W.Q. Marwo Faa’isa Cartan Boos

Dhowaan waxay Buntland xustay 18 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii maamulka goboleedkii ugu horreeyay oo himiladiisu ku salaysan tahay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marka aan eego taariikhda kooban balse qotada dheer ee Buntland,  waxaa ii muuqata in dadka reer Buntland udub-dhexaad u yihiin jiritaanka Buntland.

231-7d1
Tan iyo 1998kii shan madaxweyne ayaa xilka si nabad  ah u la kala wareegay. Dad badan baa   indheergaradka siyaasadeed ee Buntland ku dhaliila in laga gaabiyay samaynya xisbiyo siyaasadeed. Waan garan karaa dooddaas waxaase xusid mudan in samaynta xisbiyo beeleed ay hor istaagi lahayd himilada dadka  reer Buntland oo ah mid ku qotanta aragtida ah in xisbiyadu noqdaan kuwo heer qaran. Ka dhursugidda Soomaaliya inteeda kale ayay Buntlad dooratay meeshii ay xisbiyo aan caga badan ku taagnayn camcami lahayd.
Maanta Buntland waxay maraysaa marxalad horumarineeed oo sarraysa. Labo  ka mid ah guulaha uu maamulka hadda jira soo hoyay waxay kala yihiin:

1- In ciidammada Buntland loo qiro inay yihiin kuwa dhabta ah oo u babacdhiga weerrada kaga iman kara ururrada xagjirka la’aanta ciidan qaran awgeed;

2- Samaynta qorshe horumarineed u gaar ah Buntland kaddib markuu maamulku muujiyay inuu leeyahay karti uu ku daadijiyay maamulka ilaa heer degmo.

Labadan guulood waa kuwo dhacay laga soo bilaabo 2014kii, waxayse yihiin kuwo xididdadoodu soo samaysmeen laga billaabo 1998kii. Taas macnaheedu waa: dadka Buntland oo dhan baa u duubtay inay garab istaagaan maamul kasta. Reer Buntland way ku ammaanan yihiin soo dhoweynta ay u fidiyeen walaalahood barakacayaasha ah  oo maanta kaalin weyn kaga jira guud ahaan kobcinta dhaqaalaha.
gaas1-764160
Madaxweyne Gaas wuxuu nasiib u helay inuu noqdo madaxweynihii dib isugu keenay beelihii Buntland  wada samaystay. In maanta talada siyaasadeed ee beelahaas heer federaal lagu go’aamiyo caasimadda Buntland, Garoowe, waa guul ah sida qorrax aan sacabbada lagu qarin karin.  Ku dayo Buntland!

Marwo Faa’isa Cartan Boos waa Guddoomiyihii Hore ee Ururka Haweenka Jaaliyadda Buntland ee dalka Ingiriiska

About The Author