Daawo Sawirro: Saciid Maxamed Raage oo la wareegay Xilkii wasaaradda

wasirMunasaabad uu xilka kula wareegayeye wasiirka cusub ee Wasaardda dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda ee Boosaaso.

Munasabada xil wareejinta ahed ayaa waxaa ka qab galay agaasimaha guud ee wasaarda dekedaha Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafan, Taliyaha dekeda Boosaso, maamulka gobalka bari,kan degmad Boosaso,iyo masuuliyiin kala duwan.

Wasiirkii hore ee wasaaradda dekadaha Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay inta uu xilka hayay uu ka shaqeeyey hormarka dekadda,islamarkaan ay wax badan u qabsoomen isagoona sheegay in uu ku faraxsan yahay in xilka uu wareejiyo.

intii ay munaasabadu socotay ayaa waxa goobta ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood ku amaana Wasiirkii hore ee wasaaradda dekadaha Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax shaqadii uu qabtay mudadii uu joogay wasaaradda.

Wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamad Raage ayaa sheegay in uu sii wadi doono howlaha dekadda iyo mashaariicda kale ee loogu tala galay wasaaradda.

Xil wareejintan ayaa ku soo beegmaysa xili dhawaan la filayo in la balaariyo dekedda Boosaso lama oga sida uu ula jaan qaadi doono wasiirka cusub ee wasaaradda dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage balaarinta dekadda Boosaso.

Sawirro.

 

About The Author