Gaalkacyo: Afduunka Shacabka oo ka biloowday magaaladda

Maxamed Cari-taawo, ganacsade ka mid ah ganacsatada Qaadka magaaladda Gaalkacyo

29 okt 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo oo kasoo kabanaysa xaalad Daganaasho la’aan ah, oo muddo bil ah haysattay Shacabka magaaladda Gaalkacyo, ayaa hadana waxaa sii furamay waji cusub oo colaadeed.

Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa maanta lagu afduubay mid kamid ah dhaliyarada magaaladda, Maxamed Cari toowo, oo kamid ahaa dhalinyarad ka ganacsatta Qaadka, ayaa maanta waxaa afduubay maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug.

Maxamed Cari-taawo, ganacsade ka mid ah ganacsatada Qaadka magaaladda Gaalkacyo
Maxamed Cari-taawo, ganacsade ka mid ah ganacsatada Qaadka magaaladda Gaalkacyo

Maxamed ayaa markii la afduubayey waxaa uu ku hawlanaa sidii uu ula soo wareegi lahaa qaad, kaas oo ka dhexeeyey isaga iyo ganacsatto kale oo dhinaca koonfurta kasoo jeeda.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keenta Afduubkaan, waxaase loomalaynayaa in ay salka ku hayso qorshayaasha Galmudug ay ku doonayso in ay soo bandhigto, Rag kasoo jeeda Puntland kuwaas oo ay kusheegayso in ay ka mid yihiin ciidanka Puntland.

Arintaan ayaa sii xumaynaysa xaaladda magaaladda Gaalkacyo, iyada oo awal magaaladda ay harsanaysay daruur colaadeed, taas oo ka socotay duleedka magaaladda.

Shalay ayey ahayd markii ay Koonfurta magaaladda ka dhacday is rasaasayn u dhaxay koox sama wada yaal ah, oo doonaya in ay aan magaaladda gudaheeda loo soo wareejin dagaalka kasocda duleedka magaalada iyo koox kale oo doonaysay in ay dagaal ka bilaabaan magaaladda Gudaheeda.

Lasoco wixii kasoo kordha

Puntlandes.com

About The Author