Dalka Imaaaraadka Carabta oo looga yeeray dhamaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya doorashada darteed

29 okt 2016 (Puntlandes) Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dhammaantood looga yeeray dalka Imaaaraadka Carabta, waxayna la xiriirtaa u yeeritaankani Doorashada Soomaaliya.

158ab

Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeeyay oo noqda madaxweynihii ugu horeeyaee booqda Imaaraadka Carabta, waxaana ku xigay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo weli ku sigan dalkaasi, Waxa isna Dubai gaaray Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isna maalmo dhowr ah hadda ku sugan Dubai.

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug C/kariin Guuleed iyo Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay wadajir uga duulay magaalada Muqdisho iyadoo gaaray magaalada Dubai, xilligaas oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid isna uu sii maris ku ahaa magaalada Nairobi, kuna sii jeeday Dubai.

Ujeedka dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay doorashada Soomaaliya ka dhici doonto 2016 oo ay dooneyso inay saameyn ku yeelato, iyadoo xogtu sheegeyso inay wadato musharaxiin ay dooneyso inuu ku soo baxo xilalka sare ee dowladda cusub.

Puntlandes.com

About The Author