Sawirro: Banaan baxa Caabudwaaq “Bulshada Yaan indhaha laga ridin”

Banaanbax ay soo agaasimeen bahda Waxbarashada oo lagu diidan yahay dilalka qorshaysan ee loogu gaysanayo Degmada dadka indhaha u ah bulshada ayaa lagu qabtay garoonka Kubadda cagta ee Roobda’ay ee magaalada Caabudwaaq, waxaa kala qayb galay Bahda waxbarashada oo banaanbaxa soo agaasimay, Waalidiin iyo ardayda wax ka barata Iskuulada degmada iyo Jaamacadda Galgaduud

Dadka dhigayay Banaanbaxa maanta oo u badnaa bahda waxbarashada ayaa ka caroodey dilkii ugu dambeeyay oo si gaara u saameeyay Bahda waxbarashada kaasi oo loogu gaystay Degmada 27.kii bishan Macalin Khadar Maxamuud Axmed oo kamid ahaa macaliniinta Iqra iskuul.

Madaxa Arimaha Bulshada ee maamulka degmada Muuse Maxamed Axmed (Muuse Inji) oo ugu horeyn ka hadlay Banaanbaxa ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka macalinka iyo dilalkii ka horeeyay

Qaar kamid ah Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada, Macalimiin, Waalidiin iyo Ardayda ayaa dhankooda si isku mid ah uga hadlay Banaanbaxa maanta, iyaga oo muujiyey dareenka uu ku reebay dilkii Macalin khaddar loogu geystay degmada khamiistii ina dhaaftay

Ugu Dambayn madaxa Waxbarashada degmada Cabdinasir Caga-weyne oo ka qayb galay banaanbaxa maanta ayaa shegay in mudo sadex cisha ah ay xirnaan doonaan gobaha waxbarashada si loogu baroordiiqo Macalin Cabdikhadar Maxamuud Axmed oo ka mid ahaa macalimiinta degmada.

Sawirro

17

08

01

06

07

10

15

16

 

About The Author