Ganacsatada Galmudug oo soo wareejiyey rag ay Afduubteen malayshiyada Galmudug

Maxamed Cari-taawo, ganacsade ka mid ah ganacsatada Qaadka magaaladda Gaalkacyo

29 okt 2016 (Puntlandes) Waxaa goor dhawayd Suuqa Ganacsiga ee magaalada Gaalkacyo lagula kala wareegay sadex nin oo uu Afduubtay maamulka Galmudug iyo nin Maxbuus ahaan ay u qabteen Ciidanka difaaca Puntland.

 

Kala wareejinta ragan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey Ganacsato labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug kasoo jeeda maalmahana ku hawlanaa ka shaqaynta isu soo dhawaanshaha labada dhinac.

Maxamed Cari-taawo, ganacsade ka mid ah ganacsatada Qaadka magaaladda Gaalkacyo
Maxamed Cari-taawo, ganacsade ka mid ah ganacsatada Qaadka magaaladda Gaalkacyo

Dhanka Galmudug waxay soo wareejiyeen sadex nin oo ay magaalada ka afduubteen kuwaasoo uu u dambeeyey nin Ganacsade ah oo ay mmanta ka afduubteen Suuqa gaalkacyo iyo laban in oo madax loga jiray oo ay horay u Afduubteen kuna tilmaameen inay qabteen oo ay ka mid ahaayeen Ciidamo Gurmad ahaan looga kenay magaalada Kismaayo ee Jubaland.

231-7d6
Bidix Maxamed Axmed Maxamed Midig Saciid Xuseen Xasan (Saciid cagaroge)

Dhanka Puntland waxay wareejiyeen nin ay qabteen Ciidanka Puntland isagoo Bam ku soo weeraray Xerada Miir ee ay Ciidan difaaca Puntland ku leeyihiin Barta,maha magaalada Gaalkacyo.

Xabad goos goos ah oo magaalada ka socotay

Marka ay Ganacsatada labada dhinac ay kala wareejinayeen raga Afduubka loo haystay waxaa xusid mudan in la maqlayey rasaas goos goos ah oo ka dhacaysa jiida galbeed ee magalada Gaalkacyo, rasaastaasoo ay bilaabeen maamulka Galmudug o oka xumaa Ganacsatada kala wareejinaysa Ragaas.

Puntlandes.com

About The Author