Gudiga doorashada Dadban ee Puntland oo shaaciyey in ay soo gaareen Ergooyinki u horeeyey ayna bilaabatay shaqadi gudiga.

Gudiga Doorashadda dadban ee heer Puntland iyo Heer Faderal ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaaladda Garowe ku sheegey in ay si rasmi ah u bilaabeen shaqadi la xiriirtey Aqalka hoose ee Puntland u matalaya dowladda Faderalka ee Soomaaliya.
Khaliif Aw cali Gudoomiyaha gudiga doorashadda dadban ee Puntland ayaa sheegey in soo gaareen magaalada Garowe wajigii koowaad ee Ergadii dooran lahayd xildhibaanada Aqalka hoose ee Soomaaliya.
Waxaana uu sheegey in maanta ay si rasmi ah ugu bilaabi doonaan diiwan galinti Xubnaha,samaynta Card ka codaynta,waxaana uu xusey in asbuuc gudihiis ay rajaynayaan in la doorto xubnaha aqalka Hoose Puntland u matali doona Soomaaliya.
Sidii Qorsheel gudoomiyaha gudiga doorashada ee heer Faderal ayaa sheegey in ay u yimaadeen Puntland sidii ay ula socon lahaayeen hanaanka xulista ergooyinka iyo codaynta xildhibaanada cusub.
Waxa uu tilmamay in gudiga doorashada ee heer Puntland ay masuul ka yihiin amaanka Ergada,Dajinta Ergada iyo diiwaangalintoodaba.
ugu danbayntiina waxa uu ku amaanay Gudiga doorashada dadban ee Puntland sida hufan ee ay u wadaan howli qaran ee loo igmadey.

 

About The Author