Gaalkacyo: Wasiiro kormeeray meesha uu marayo dhismaha Sayladda Xoolaha Gaalkacyo (Sawirro)

????????????????????????????????????

Wasiirka wasaaradda ganacsiga dowladda Puntland Dr.C/wali Xirsi indha guran iyo wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Puntland ayaa saaka kor meeray heerka uu marayo dhismaha sayladda Xoolaha magaaladda Gaalkacyo.

Dhismaha sayladda ayaa haatan waxaa uu marayaa meel gab gabo ah, waxaana la rajaynayaa in dhawaan xariga laga jaro, Wasaaradda ganacsaiga ayaa qayb ka ahayd maal galinta sayladdaan, waxaana iska kaashanayey wasaaradda ganacsiga iyo D/hoose ee dagmada Gaalkacyo.

Sayladdaan ayaa waxaa ay noqonaysaa tii ugu weynayn ee laga sameeyo gobolada Puntland, waxaana la rajaynayaa in ay dhawaan shaqo biloowdo, Maanta ayey ku beegnayd maalinkii loo asteeyey in ay bilaabato shaqada sayladda, laguna kala wareejiyo oo lagu kala gaddto xoolaha nool ee isaga gooshaya Puntland.

Dhimaha .

Dhismaha ayaa haatan gab gabo maraya, waxaana la dhameeyey Dhismihii darbiga weyn ee ku wareegsan Sayladda, Baraagihii iyo guryihii xafiisyada Noqon lahaa, sidoo kale waxaa haatan la gab gabeeyey Bal balooyinkii ay sooluhu harsan lahaayeen, sidoo kale waxaa iyagauna gab gabo maraya goobihii lagu kaydin lahaa cawska iyo kuwii lagu siin lahaa.

Waxaa iyaguna socdo goobo loogu tala galay in xoolaha laga raro, kuwii ay ka cabi lahaayeen, iyo Biyo gali lagu samaynayo goobaha lagu waraabinayo xoolaha.

Sawirro

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

About The Author