Gaalkacyo: MAP oo xusaytay maalinka ka hortaga tacadiyada saxaafadda iyo Qodobo kasoobaxay (Dhagaysi+Sawirro)

Kulan balaaran oo lagu xusayo maalinka ka hortaga tacadiyada ka dhankaa saxafiyiinta, ayaa maanta laga xusay magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kulana ayaa looga war bixiyey marxalada adag ee ay soomartay saxaafadda caalmka, waxaa sidoo kale looga xaaladda amaan iyo nabadeed ee saxaafadda Puntland iyo gaar ahaan midda Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Puntland Fasal khaliif Barre, oo kulanka ka dib saxaafadda lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay saxaafadda Gaalkacyo doorweyn ku leedahay bad baadinta shacabka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha ayaa saxafiyiinta kula dar daarmay in ay ilaaliyaan naftooda, oo aysan colaad ka shaqayn.

Maalinkaan caalamigaa ee 2, November, sanad kasta waxaa aduunka laga xusaa, kahortaga tacadiyada ka dhanka saxafiyiinta, iyada oo ays anad kasta tiro saxafiyiin ah ay ku geriyoodaan caalamka.

 

Dhagayso.

Sawirro.

img_1132 img_1142 img_1153 img_1158 img_1161 img_1164 img_1166 img_1169 img_1172 img_1176 img_1178

About The Author