Dhagayso-Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay,  Kana Hadlay Xaaladda Magaalada Qandala.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo oo safar shoqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta 02 November 2016 dib ugu soo laabtay Puntland iyadoo si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdigiisa  ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qayb galay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada  iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo  dhoweynta kadib waxaa uu ka war bixiyay safarka shaqo ee isaga iyo wafdigiisu ay ku tageen dalka Isutagga Emaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Abu Dubai, wuxuuna tilmaamay inay ka qayb galeen kulan muhiim ah oo ay dalkaasi ku yeesheen madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya iyagoo ka tashanayay arrimaha Somaaliya iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed.

” Magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Emaaraadka Carabta waxaa ka jiray shir ay isugu yimaadeen madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaana laga wada tashanayay waxyaabo badan oo khuseeya arrimaha Soomaaliya iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo aan isku aragnay Madaxweynaha Galmudug iyo madaxdii kaleba anagoo ka wada hadalnay xaaladda magaalada Gaalkacayo”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri ” Is afgarad ayaa kasoo baxay shirkaasi oo ku xusan Warmurtiyeedkii shirka laga soo saaray oo ahaa in xabad joojin la sameeyo dadkuna ay magaalada kusoo laabtaan,  wixii kala fogaansho Soomaaliyeed keenaya in laga fogaado waana rajaynayaa in xal waara laga gaaro xaaladda Gaalkacayo,  sidoo kale waxaa cad in Puntland iyadu mar walba aysan duulaan ahayn balse ay dedaal dheer u gashay xasilinta xaaladda Gaalkacayo, waxayna raadinaysay mar kasta nabadgelyo iyo deris wanaag” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrinta ku salaysan lacagaha la tilmaamay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday  Dawladda Puntland ” Waxaan cadaynayaa in aysan waxba ka jirin arrinta ku salaysan in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay lacago ugu deeqday Dawladda Puntland, waxaana Dawladda Federaalka laga rabaa inay caddayso arrintaasi bulshada Soomaaliyeedna ay ka qanciso arrintaas, waana masuuliyad darro in been la dal dalo oo umadda la jahwareeriyo” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland  ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Qandala oo kamid ah Gobolka Bari wuxuuna caddeeyey in kooxda daacish aysan qabsan karin magaalada Qandala isla markaana aysan lahayn awood ay ku qabsato magaaladaas.

“Daacish Puntland ma joogayso qandalana ma haysanyso, awood ay ku joogto iyo mid ay ku haysato midna malaha waana laga howl galayaa waqtiga ay sii joogi karaana wuu kooban yahay, Dawladduna way ka howl gelaysaa si dhakhso ah , shacabka Puntland waxaan ugu baaqayaa wada jir iyo midnimo, nabad-gelyadooda inay xagsadaan dalkooda ay difaacaan horumarkana ay ka shaqeeyaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sugnaan doona magaalada Boosaaso maalmaha soo socda isagoo kulamo iyo wada tashiyo  ku amniga,  horumarka Puntland iyo kobcinta kabayaasha dhaqaalaha la yeelan doona masuuliyiinta iyo bulshada Gobolka Bari.

Dhagayso madaxweyne Gaas


img_2967img_2978

img_2994
Puntlandes.com

About The Author