Dag dag: Gaalkacyo oo dagaal culusi ka qarxay

Dagaal ayaa ka qarxay koonfur Galbeed Gaalkacyo, dagaalka ayaa ka biloowday jiida hore ee aaga dagaalka oo maalmahaan la isku hor fadhiyey.

Dagaalka oo qarxay abaare 5:30 galabnimo ayaa waxaa uu ahaa mid ka badalan kuwii hore, waxaa la isu adeegsanayey qoryaha fud fudud ee uu ugu weyn yahay Dhashiikaha.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil jiidda hore joogtaa, waxaa ay no sheegeen in ay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen maleeshiyadka huwantaa, oo jahooyin kala gadisan kaga soo qaaday weerar ay doonayeen in ay ku gaadaan ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dagaalka, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo lakeenay isbitaalada, dhaawac iyo dhimasho toona.

About The Author