Wararkii ugu Dambeeyey ee Duqaymaha Degmada Qandala.

November 03 2016 (Puntlandes)-Xaaladda degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa saaka degan inkasta oo marwalba ay macquultahay in duqayn lala beegsado kooxda Daacish ee degmada dhowaan qabsatay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan saaka kahelayno degmada ayaa sheegaya in dadkii farakutiriska ahaa ee ku harsanaa doonyo iyo maraakiib looga daadgureeyey, si aysan ugu waxyeeloobin duqaynta kadhanka ah Daacish.

Labadii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa degmada Qandala kadhacay duqaymo isdaba joog ah, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha kadhashay maadaama isgaarsiinta degmaadu liidato aysana jirin cid kasoo warantay.

About The Author