FAAHFAAHIN Khasaaraha & wararkii u dambeeyey ee dagaalkii Gaalkacyo

6 Nov 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo ku hawlanayd inay Akhristayaasheeda usoo gudbiso warbixino ku saabsan Dagaalkii maanta ka dhacay Galbeedka Koonfureed ee Magaalaada Gaalkacyo kadib markii uu maamulka Galmudug soo weeraray Ciidamada Difaaca Puntland, dagaalkaasi oo dhaliyey khasaaro aad u fara badan.

gaalkacyo-dagaalka

Khasaaraha Dhanka Galmudug

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxaa loo xaqiijiyey in maamulka Galmudug uu ku aasay 5 Xabaal wadareed oo  ay midiiba ku aaseen 10 Askeri taasoo ka dhigaysa 50 Dhimasha ah.

Waxaa kaloo Goobjooge tagay Goob u dhaxaysa labada Ciidan uu u xaqiijiyey Warbaahinta Puntlandes inuu indhihiisa ku arkay 13, 6 iyo 7 Askari oo yaala  meeshaas u dhaxaysa labada ciidan ayna u suurtoobi wayday Ciidanka Maamulka Galmudug inay qaataan Askartaas dagaalka uga dhimatay.

Iskugayn waxaa Warbaahinta Puntlandes ay ogaatay in dagaalkii maanta ay uga dhimatay Ciidanka maamulka Galmudug Askar ay tiradoodu kor u dhaafayso 80 halka uu dhaawacu ka badan yahay 165 Askari.

Khasaaraha Dhanka Puntland

Warbaahinta Puntlandes oo ka xaqiijisay Isbilaalka Guud ee Gobolka Mudug iyo kan Dhagacadde ayaa ogaatay in dhanka Puntland ay uga dhinteen 13 Askeri, halka uu dhaawacu gaarayo 30 Askeri.

Khasaaraha labada dhinac

Dagaalkani waxa uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee labada dhinac ee dagaalamaya gaara, waxaana ku dhintay Askar kor u dhaafaysa 100 halka uu dhaawacu ka badan yahay 200. Khasaaraha ayaa wuxuu aad ugu badnaa dhanka maamulka Galmudug.

 

Wararkii u dambeeyey ee dagaalkii Gaalkacyo

Ciidanka Difaaca Puntland oo maantay la wareegay Goobo badan oo fariisimo u ahaa Ciidanka maamulka Galmudug oo ay ka mid ahayd Garoonka Maamulkaas, Koontaroolka koonfureed ee maamulaas iyo goobo kale ayaa waxay caawa dib ugu soo noqdeen Fariisimadoodii.

Puntland ayaa awalba ahayd Difaac ee aan ahayn weerar, iyadoo saaka la soo weeraray kadibna ay aad u riixeen Ciidankii soo weeraray ayaa waxaa lagu amray Ciidanka Difaaca Puntland inay dib ugu soo noqdaan fariisimadoodii.

Waa see Jawiga caawa ee Xaafadda Koonfurta Gaalkacyo ee baraxleey?

Bahda Warbaahinta Puntlandes ayaa caawo ogaaday inaysan wax dhaqdhaqaaq ah oo Gaadiid ama shacab ah aysan ka jirin xaafadaas iyadoo u eg meel aan dad ku noolayn.

Waxaa loo malaynayaa dagaalkii qaraaraa ee maanta dhacay inuu kerenay in dadkii rýaraa ee ku noolaa ay ama ka baxeen ama Guryahooda iska galeen.

Wixii kusoo saa’ida wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author