Dhagayso:Taliska Daraawiishta Gobolka Mudug “81 Askari ayaan uga dilnay Galmudug dagaalkii maanta” (Sidii ay Puntlandes.com horay u Qortay)

6 Nov 2016 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob) oo caawa waraysi siinayey Idaacadda Daljir ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ugu dambeeyey ee maanta kadhacay magaalada Galkacyo.
232-1b
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Qodhob ayaa sheegay inay dagaalkii maanta ay Ciidanka Difaaca Puntland uga dileen Ciidanka maamulka Galmudug 81 Askari halka ay 3 Askarina Maxaabiis ahaan uga qabteen oo qaarkood dhaawac yahay.

Takiye Cabdirashiid Qodhob ayaa dhanka kale sheegay inay ka qabsadeen Ciidanka Galmudug 2 gaari oo kuwa dagaalka ah, iyagoona  ka gubay galmudug 9 kalana.

Warbaahinta Puntlandes ayaa maanta horay ugu soo bandhigtay Akhristayaasheeda Khasaarihii ka dhashay dagaalkii maanta in Ciidanka maamulka Galmudug looga dilay Askar ka badan 80 Askare, hoos ka akhriso Qoraalkaas:

FAAHFAAHIN Khasaaraha & wararkii u dambeeyey ee dagaalkii Gaalkacyo

Dhagayso Waraysiga Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob)


Puntlandes.com

About The Author