Muuqaal-Faallo: C/kariim oo Wasiir ku Fashilmay sidee buu Madaxweyne maamulka Galmudug u wadi karaa?

abdikarin-guled

24 nov 2016 (Puntlandes) Labo sano ka hor ayey ahayd markii uu Cabdikariim Xuseen Guuleed iska Casilay Wasiirka Amniga DFS kadib markuu si cad u qirtay inuu ku Fashilmay kana soo bixi waayey Xilkaas loo igmaday, hoos ka daawo muuqaal.

Dhaliilaha Hogaamineed ee C/kariim & Doorashada Cadaado

Hada waxaa soo baxay Dhawr kulan oo ay beesha caalamku ka  yeelatay Somalia ayaa dhammaantood waxaa lagu xusay maamul xumada iyo karti Hogaamineed  la’aanta Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Waxaa hoosta laga xariiqay in doorashada Galmudug ay tahay midda ugu laaluushka badan oo ugu khaladaadka badan dhammaan Somalia. Kuraasta qaar waxaa laga baxshay lacag ka badan usd $1.5million, doorashada waxaa loo maamulay qaab gacan taag ah, ergada qaar toogashaa lagu dilay, qaar waa la handaday waana jir dilay, kuwana waa la xiray .

Murashaxiinta qaar waxaa loo diiday goobta doorashada, qaar waa la boobay, qaarna kuraastii ay ku tartami lahaayeen baa si khaldan cid kale loogu asteeyey. Dumarka qoondaddii waa la xoogay.

Madaxda dawladda iyo Madaxtooyadu diyaarado ayey ku tagaan Cadaado ayagoo wata ergooyinkooda -saacado gudahoodna waxaa loo jilaa codeyn oo waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan .

Mucaaradka waa la bahdilaa, waxaana lagu handadaa in la dhici doono ama khilaaf la gelin doono kursigooda-ama ay aqbalaan inay codkooda siin doonaan Madaxweynaha.

Xildhibaanada ugu badan oo dacwooyin halis laga soo gudbiyey waa Reer Galmudug. Waxaan la qarin karin oo si cad u muuqda Dhaliilaha Hogaamineed ee madaxweyne C/kariim iyo sida uu uguFashilmay Doorashada Cadaado.

Muuqaal cadaynaya Fadeexada Doorashada Cadaado

Maamul Xumadaas muuqata awgeed ayaa Dawladda Maraykanka oo wakiil ka ah beesha caalamka ee daneysa Somalia, ay toos ugu qortay madaxweyne C/kariim warqad dheer oo ay ku wargelinayso dhammaan cilladaha jira iyo cabashooyinkaba, halkan ka akhriso.

Beesha caalamku ayaa ku fekerayso hadkii Madaxweyne Guleed loogula xisaabtami lahaa dhibaatooyinka uu u geystay hannaanka doorashada, fashilka nabadda Gobollada Dhexe iyo burburka dawlad goboleedka Galmudug.

Halkana ka daawo kana Akhriso Fadeexada ka dhacday Cadaado oo Cabdikariim mas’uulka ka yahay.

Shaki ku jira sii jirtaanka maamulka Galmudug!

Marka doorashadu dhammaato nabadda iyo jiritaanka Galmudug dhibaato weyn baa soo foodsaari doonta. Dadka boobka cad loo geystay sida maamulka AhluSunna, Galgaduud Sare, Deegaanada Murursadaha iyo kuwo kaleba lama hubo inay ka sii mid ahaan doonaan Galmudug. Waxaa muuqda burbur dhan walba ah ee maamuka Galmudug ku soo fool leh.

Alshabaab iyo maamulka C/kariim

Karti darada hogaamineed ee madaxweyne C/kariim waxay wadada u xaartay in Kooxda Argagixisafda ah ee Alshabaab ay u hgacan banaanaato isla markaasna ku milanto Degaanada Kooban ee uu ka taliyo maamulka C/kariim ee Galmudug iyadoo si Xor ah uga hawl gashasha.

Madaxweyne C/kariim oo Xakamayn waayey Colaada Gaalkacyo

Karti darada hogaamineed ee madaxweyne C/kariim waxay keentay inuu Xakamayn waayey Colaada ka aloosan magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ka amar qaadan waayey Ciidanka magaca Galmudug ku dagaalamayey.

Madaxweyne C/kariim wuxuu ku qasbanaaday inuu QAYLO DHAAN u dirsado CabdiQaybdiid si uu ugala hadlo Ciidanka maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ka dagaalamayey kadib markii ay ka amar qaadan waayeen.

Puntlandes.com

About The Author