Doorashada Aqalka Hoose Oo Markale Ka Bilaabatay Magaalada Garoowe.

November 23 2016 (Puntlandes)-Waxaa saaka markale magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ka furmaya doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo ah mid aad u xiisabadan ayaa saaka waxaa lafilayaa in lagu soo doorto saddex xubnood oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ergooyinkooda shalay la xereeyey.

Gudiga doorashada dadban ee heer Puntland oo dhowaan warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dibudhacyada kuyimid doorashada ay sabab u yihiin qaramada midoobey iyo beesha caalamka oo aan sidii loogu talagalay u bixin dhaqaalihii ku bixi lahaa.

About The Author