XOG-Galkacyo: Wax ka ogow Mashaariicda Horumarineed ee dhamaadka ah ama laga bilaabayo Galkacyo

26 nov 2016 (Puntlandes) Magaalaga Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo labadii bilood ee u dambaysay ay ka jirtay Xiisad Colaadeed ayna ka dhaceen Dagaalo ba’an oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo kuwo Galmudug magaceeda ku dagaalamayey ayaa waxaa qaarna ay heer gabogabo ah marayaan, qaarna la bilaabay halka qaarna dhawaan la bilaabi doono.

228-2c1
Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey

Maamulka Degmada ee uu Hogaanka u hayo Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Ganacsatada Magaalada oo iskaashanaya ayaa waxay sameeyeen dadaal aad u xoog badan, kaasoo ay dhana gacan bir ah ku qabteen Difaaca iyo nabadaynta magaalada gacana ay uga shaqaynayaan Horumarinta magaalada Gaalkacyo.

Warbaahinta Puntlandes oo u kuurgashay ayaa ogaatay in Maamulka Degmada ee uu Hogaanka u hayo Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Ganacsatada Magaalada  Gaalkacyo oo iskaashanaya ay ku hawlan yihiin Mashaariicda kala ah:

Mashaariicda dhamaaday oo Xariga laga jari doono & kuwa bilowday

  1. Waxaa dib loo dhisay 141 Guri/Bakhaar oo weerarkiii Qaraxa loo adeegsaday ku burburay
  2. Sayladda Xoolaha Gaalkacyo oo la furayo dhawaan
  3. Wadooyin waawayn oo Sayladda loo sameeyey
  4. Suuq Xero Dayax laga dhisayo oo Qudaarta macaan loo dhisayo oo looguna magac daray Dhudi

232-5a8

Mashaariicda dhawaan la Dhagax dhigi doono

  1. Wadooyin 4 ah oo Laami ah ayna ku jirto Wadada laamiga dheer ee magaalada Gaalkacyo dhex marta.
  2. Dowlada Hoose ee Gaalkacyo oo dhisanaysa Guri wayn oo labo dabakh ah
  3. Mashruuc 2000 oo geed lagu beerayo magaaalada Gaalkacyo
  4. Warshadda Kabida oo laga bilaabayo dhisme Mashruuc wayn oo ka kooban Iskool dowladeed, Dhisme Degmadu leedahay, Library, meelo Cafeteria ah (lagu kulmo) iyo Garoomo Dhalinyarada ku ciyaaraan

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Mashruuc wayn ee Warshadda Kabida laga bilaabayo uu yahay dhisme ay dawlad saaxiib dhow ah ay Puntland ka Caawinayso waxaana ku baxaya dhawr milyan oo Doolar.

Meelaha Afarta Wado ee Laamiga laga samaynayo ayaa waxaa ka mid ah Wadada Fooneeyaha, Wadada UNISOM, laamiga dheer waxaana lagu dhisayaa oo qayb ka ah mashruuca JPLG iyo ganacsatada magaalada kala qayb qaadanaya Degmada Gaalkacyo, iyadoo guud ahaan Waddaas la dhisayo.

Gaabaha ama Bakhaarada 141 ah ayaa waxaa lagu qaybin doonaa muddo 10 Cisho gudahood ah, sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Mashaariicdaan waxaa Qorshaysan sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes in lagu bilaabo labo Todobaad gudahood.

Mashruuca Dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug

Waxaa isna Wajigii koowaad soo gabagaboobay  Mashruuca Dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo oo uu burbur xoog leh kasoo gaaray Weerarkii Qaraxyada loo adeegsaday ee Alshabaab kusoo qaaday magaalada Gaalkacyo.

img_1763

Waxaa gacan xoog leh oo xagga dhaqaaalaha ka gaystay ummadda reer Puntland dal iyo dibadba, iyagoo kaalin aad u firfircoon ay ka galeen Jaaliyadaha Puntland ee ku nool dunida dacaladeeda.

Waxaa iminka loo gudbay wajigii labaad oo ah dhisme Isbitaal Cusub oo ay yeelato magaalada Gaalkacyo.

 

Gaalkacyo oo Cagta saartay isku xirnaan Bulshadeed & Horumar

230-3a5

Maamulka Cusub ee uu Hogaamiyo Duqa Magaalada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa waxay magaalada Gaalkacyo u horseedeemn Horumar iyo inay mideeyaan Bulshadeeda dhan walba.

Iyadoo ay aad muhiim u tahay Mashaariicda Horumarineed ee uu maamulka Degmada Gaalkacyo Dhamaystiran, ama bilaabay amaba bilaabayo ayaa hadana waxa ugu mihiinsan isku xirka iyo isku Duubnida cusub ee uu ka abuuray Bulsahada reer Gaalkacyo.

Isku-xirka iyo ka shaqaynta isku duubnida Bulshada waa shaqo aad u dhib badan Harumarkana fure u ah waana taas tan uu ka shaqeeyey uuna ku Guulaystay Maamulka Degmada ee uu Hogaanka u hayo Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey.

228-2c1

Hogaanka Duqa Magaalada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasiin Tumey oo ah Aqoonyahan dhalinyaro ah iyo dhalinyarada kale ee kala shaqaysa maamulka Degmada Gaalkacyo waxay Cagta u saareen Degmada Gaalkacyo wadadii HORUMARKA iyo ISKU DUUBNIDA waana guul wayn oo usoo hoyatay shacabka magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan degmada.

Ganacsatada Gaalkacyo

Waxaa iyana kaalin aad mihiim u ah kaga jira Ganacsatada Gaalkacyo oo si xoogan uga shaqeeyey Horumarka iyo nabadgalyada magaalda Gaalkacyo.  Dhaqaale aad u fara badan ayey Ganacsatada Gaalkacyo ku biyeen ilaa iminka Horumarinta magaalada iyagoo balana qaaday kuwo heor leh.

 

Dadaalka aan daalka lahayn ee madaxweyne Gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa tan iyo markuu xilka madaxtinimada Puntland la wareegay waday dadaal aan kala go’ lahayn oo uu ugu jiray sidii uu Puntland u saari lahaa wadada HORUMARKA, isagoo wax badan ka bedelay Puntland.

gaas1-764160

Madaxweyne Gaas oo Dadaalka dheer u galay inuu Horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Puntland ayaa ilaa iminka ku guulaystay:

  • Dhismaha Garoonka Casriga ah ee Bosaso
  • Dhismaha Garoonka Casriga ah ee Garowe oo heer gabogabo ku dhow
  • Dhismaha wadada Gaalkacyo Garowe oo dhawaan bilaabanaysa
  • Dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceergaabo oo bilaabatay
  • Dhismaha wadada Gobodjiiraan iyo Ayl
  • Raadinta Dhaqaalihii lagu Dhisi lahaa Garoonka Gaalkacyo
  • Raadinta Dhaqaale lagu Dhiso Dekaddo ay ka mid tahay Dekedda Garacad
  • Raadinta Dhaqaale lagu Dhiso Wadooyin hor leh oo ay ka mid tahay Wadadda Galdogob iyo Garacad

Dawlada Puntland waxay kaga jirtaa Horumarinta Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo kaalin ay Taariikhdu xusi doonto, oo aan laga qaban tan iyo markay Soomaaliya xornimada qaadatay.

Isku soo wada duuboo maamulka Degmada Gaalkacyo ee uu Hogaanka u hayo Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey, Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo, maamulka Gobolka oo uu Hogaanka u yahay Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloog) iyo dawlada Puntland oo uu madaxweynaha ka yahay waxay Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug bak a wadaan dadaal iyo hirgelin Mashaariic Horumarineed oo ay ka faa’iidaysan doonaan Jiilasha dambe ee iman doona, waxayna baal Dahab ah ka geli doonaan Taariikhda.

 

Puntlandes.com

About The Author