Sawirro: Warbaahinta Puntlandes oo u kuurlagay Saadaasha Hawada Soomaaliya & ROOB ka Bilaabanaya Soomaaliya

27 nov 2016 (Puntlandes) Hawlwadeenaada Warbaahinta Puntlandes oo u kuurlagay Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa ogaaday in Saadaashu ay Tilmaamayso in Roob uu ka Curanayo Soomaaliya.

Hoos sawirka 1aad waa Saadaasha iyo Berri, Axad, haddii Allah idmo waxaana Raxmadda Allah (Roob) uu ka di’i doonaa Qaybo ka mid ah Koonfurta soomaaliya iyo Itoobiya.

232-5b7a

Hoos sawirka 2aad waa Saadaasha iyo Talaadada haddii Allah idmo waxaana Raxmadda Allah (Roob) uu ka di’i doonaa meel ka mid ah Gobolka Bari, waxaad kaloo ka arki kartaa Roob kasoo socda dhanka Badda.

232-5b7ab

Hoos sawirka 3aad waa Saadaasha iyo ABACADDA haddii Allah idmo waxaana Raxmadda Allah (Roob) uu ka di’i doonaa meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah sidaQaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud, Koonfurta Mudug Nugaal, Sanaag Bari, Waqooyi Galbeed iyo Awdal, waxaad kaloo ka arki kartaa Roob kasoo socda dhanka Badda.

232-5b7

Bahda Warbaahinta Puntlandes  waxay Allah uga baryaydsaa inuu ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta ugu Naxariisto Raxmadiisa uuna siiyo ROOB ka dul qaada Dhibaatada Abaarta iyo waliba NABAD WAARTA Amiin yaa Allah.

Waxaanu kasoo qaadanay sawirrada BBC

Puntlandes.com

About The Author