Gaalkacyo: Caruur Qarax ku geeriyootay & Sansaan Colaadeed oo Galkacyo kasoo Cusboonaatay

28 nov 2016 (Puntlandes)Magaaladda Gaalkacyo waxaa saaka Arooryadii hore ka dhacay Qarax Bumbo, kaas oo hala keeyey Qoys ay caruuri u keentay, inta la xaqiijiyey waxaa geeriyooday Hal ilmo ah, waxaana dhaawac soogaaray ilmo kale.

2-mapka

Qaraxa ayaa ka dhashay kadib markii ay ciyaal yar yari soo qaateen, Bambaano aan qarxin, oo si la aaminsan yahay ka mid ah haraaga dagaaladii iyo hub aruursigii ciidamada gudaha Galmudug.

 

Magaaladda Gaalkacyo oo saaka Isniin ah laga dareemayaa San saan Colaadeed

Dhinaca kale Magaaladda Gaalkacyo ayaa saaka Isniin ah laga dareemayaa San saan Colaadeed, kadib makii dib la maqlay rasaas goos goos ah, xabado waaweyn oo mar mar dhacay.

Ciidanka Galmudug ayaa xiray Wadad Laamiga ah ee aada Muqdisho, iyagoo halkaasi dhigay Ciid iyo Dhagxaan meel ku dhow Kantaroolka ay maamulaan, Ujeedka ayey ku sheegeen in aysan ogolaandoonin, in ay Wax Gawaari ah u gudbaan dhinaca Puntland, sidoo kalana ay wax Gawaari ah kasoo baxaan, waxaana ay Rasaas huwiyeen Gaadiid Xamuul ah uu ku wajahnaa Koonfurta Soomaaliya.

Ciidanka Galmudug ayaa sidoo kale Rasaas huwiyey ciidanka Puntland ee ku sugan Kantaroolka Koonfureen, ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhashayna lama soo sheegin.

Sargaal ciidank ka tirsan ayaa sheegay in aysan Ciidankiisu ka jawaabiin ilaa hadda rasaastaas, iyaga oo dhawraya ilaalinta balantii horay loo galay ee xabad jiijinta, hase yeeshee aysan u dul qaadan doonin haddii lagu sii wado xad gudub yada aan kala go’a lahayn ay wadaan ciidank Galmudug.

Dhawaaqa ilaa iyo 3mad fac ayaa la maqlay, kuwaas oo kusoo dhacay dhinaca Puntland inkasta oo aan wali la xaqiijin cid wax ku noqtay, iyo ujeedka laga lahaa.

San saanta colaada ayaa haatan sidii hore kasii kordhaysa, waxaana cabsi xoogleh laga qabaa in uu dagaal kale qarxo, haddii ay sii socdaan dhacdooyinkaan colaada u hiilinaya.

Lasoco Wararka Soo kordha iyo SAWIRRO

About The Author