DHEGEYSO-Dagaal Culus Oo Kasocda Gobolka Mudug iyo Galmudug Oo Dalbatay AMISOM.

November 28 2016 (Puntlandes)-Xukuumadda Galmudug ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Dumaaye ee Koonfurta Gobolka Mudug oo ay sheegeen in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Al-shabaab,Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in 26 Al-shabaab ah lagu dilay dagaalkaasi.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo goordhaweyd shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa tilmaamay in dadka deegaanka sidoo kale dagaalka uu kasoo gaaray khasaare ay ka mid yihiin dhimasho,dhaawac,Barakac iyo Guryo la gubay,wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM iney gacan ka geystaan dagaalkaasi.

DHEGEYSO

About The Author