Sawirro-Madaxweyne Gaas Oo Si Diiran Loogu Soodhoweeyey Shiinaha.

November 28 2016 (Puntlandes)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu anba baxay dalka Chaina ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda dalkaasi ee Shanghai.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dawladda iyo saraakiil ka mid ah madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweyntooda ka qayb qaatay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Dawladda Chaina.

Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta Dawladda Chaina iyagoo ka wada hadli doona wanaajinta xiriirka Dawladda Puntland iyo Dawladda Chaina, sidoo kale waxay isla soo qaadi doonaan sidii Dawladda Chaina ay mashaariic horumarineed uga fulin lahayd deegaanada Dawladda Puntland.

Ugu danbayn, wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland  waxaa ay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan caasimadda dalka Chaina ee Shanghai, wuxuuna safarkani qayb ka yahay qorshayaasha lagu adkaynayo xiriirka Dawladda Puntland kala dhexeeya dunida inteeda kale.

SAWIRRO

img-20161017-wa0027 img-20161127-wa0010 img-20161127-wa0011 img-20161127-wa0013 img-20161127-wa0017

About The Author