XOG-Xasan Sheekh Oo Itoobiya U Saxiixay Shan Qodob Oo Qaran Dumis ah.

December 01 2016 (Puntlandes0)-Sida aan xalay daabacnay Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu Dowlada Ethiopia u saxiixo 5 qodob oo kala ah:

1-In Dowlada Somalia ay raali ka tahay in Ciidamo gaaraya 2,000 oo Ethiopian ah lagu wareejin doono Madaxtooyada Somalia.

2-In Ciidamo gaar ah oo ka socda Ethiopia ay ilaalin doonaan xarumaha Doorashada Madaxweynaha.

3-In xeer hoosadka Doorashada Madaxweynaha cusub looga danbeyn doono diblumaasiyiinta Ethiopia ka jooga Somalia.

4-In haddii uu soo laabto Xasan Sheekh ciidamada Ugandha, Kenya, Burundi, Jabuuti iyo Najeeriya laga saari doono Somalia, isla markaana amniga Somalia lagu wareejin doono Dowlada Ethiopia.

5-In ciidamada ka socda Ethiopia ee la wareegi doona Madaxtooyada Somalia ay awood u yeelan karaan faragalinta Doorashada Madaxweynaha ee fooda nagu soo heysa.

About The Author