Cabsi soo wajahdey Soomaalida kunool gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

December 01 2016 (Puntlandes)-Kadib weerarkii uu geystey wiilka Soomaaliga ah ayna ku dhaawacmeen 10ka ruux ee kadhacay gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa waxaa cabsi xoogani soo wajahday Soomaalida kunool halkaasi.

Soomaalida kunool gobolkaasi ayaa siweyn uga cabsi qaba inay dhibaato iyo handadaad kala kulmaan dadka caddaanka ah ee neceb Soomaalida, dadka madowga ah iyo guud ahaan Islaamka.

Qaar kamid ah Soomaalida gobolkaasi ayaa waxa ay sheegeen in cabsi iyo wal wal fara badan uu la soo dersay, sidoo kalena mar walba ay ku joogaan Dareen gaar ah, waxaana ay codsadeen in arrintan wax laga qabto.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump uu sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaacaway jaamacada Ohio ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka sii joogo.

About The Author